Dugsiiye YouTube: Koorsooyin Coding iyo AI oo Bilaash ah, Af-Soomaali
Kanaalka Dugsiiye ee YouTube waxaa laga daawan karaa koorsooyin buuxa oo ku saabsan programming, web development iyo AI, dhammaantoodna Af-Soomaali ah. Videoyadu waa bilaash, wax lacag ah lagamana bixiyo. Koorsooyinku waa kuwo dhamaystiran oo aan la soo gaabin: qaarkood waxay socdaan in ka badan 20 saacadood oo hal video ah. Bogganu wuxuu ku hayaa liiska oo dhan, taxane taxane loo kala saaray, mid kastaana wuxuu tusayaa muddada, tirada cutubyada, iyo qoraalka blog-ga marka uu jiro. Kanaalka waxaad ka daawan kartaa youtube.com/@dugsiiye.
Kani waa muuqaalkii ugu horreeyay ee taxanaha AI ee Dugsiiye, waxaana loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu aasaaska AI-ga si sax ah u fahmo isagoo aan hore wax badan u aqoon.
Kani waa muuqaalka labaad ee taxanaha AI, waxaanan ku kala saarayaa jahwareerka ka jira roles-ka: AI engineer, software engineer, data scientist, machine learning engineer iyo prompt engineer.
Koorsadan waa tii ugu dheerayd ee aan soo galiyo, in ka badan labaatan iyo laba saac, waxaanan ku barayaa React.js from start to finish, Tailwind CSS iyo Redux-na way ku dhex jiraan.
Crash course-kan waxaan ku barayaa sida saxda ah ee Cursor loo isticmaalo, waxaana loogu talagalay developer-ka doonaya inuu productivity-giisa kordhiyo. Waxaan si cad u sheegayaa:
Videogan waxaan ku sharxayaa waa maxay AI harness, kadibna waxaan tijaabinayaa harness-ka cusub ee DeepSeek soo saartay. Harness-ku waa sida shirkad walba ay tools-ka model-ka u implement-garaysay:
Videogan waxaan ku bilaabayaa wararkii AI-ga, kadibna waxaan tijaabo real ah ku samaynayaa sawir sameynta. Waxaa soo baxay Grok 4.6 oo awood ahaan sare u kacay isagoo isla qiimihii hore ku shaqeeya.
Warbixin technology ah oo toddobaadle ah, waxaanan ku soo koobayaa laba war oo waaweyn. Waxaa loogu talagalay developer-ka iyo qofka la socda halka AI-gu marayo.
Videogan waxaan ka warramayaa model cusub oo shirkadda Shiinaha ee Zhipu AI soo saartay. Maalmahaan waxaa lagu naanaysay OX Alpha, magaciisa rasmiga ahna waa GLM 3.5 Flash.
Warbixin gaaban oo aan ku sheegayo in model-ka Fable 5 ee Anthropic la joojiyay, iyo sababta. Waxaan ugu talagalay qofka isticmaalaya models-ka Claude oo la yaabay markii access-kii ka go'ay.
Videogan waxaan ku soo bandhigayaa sagaal xirfadood oo aan aaminsanahay inay muhiim yihiin xilliga AI-ga, waxaana loogu talagalay qofka is weydiinaya halka uu xoogga saaro.
Videogan waxaan ka jawaabayaa su'aasha ah: ma shaqaale baad noqotaa mise ganacsi baad bilaabataa? Waxaan uga hadlayaa khibrad ahaan, maadaama aan afar sano shirkad ka shaqeeyay, afar sano kalena Dugsi...
Video-gan waxaan uga jawaabayaa su'aasha ah: 2026 weli ma mudan tahay in coding la barto? Waxaan ugu talagalay qofka ka welwelsan in AI-gu qorista code-ka la wareego, iyo ardayga hadda go'aan ka gaara...