Github Waa U Dhamaatay | Cursor Waxay Soo Saartay Github Killer Cursor Origin

Claude Code & Agentic16 daqiiqo8 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan waxaan ku sharxayaa tool-ka cusub ee Cursor soo saartay oo la yiraahdo Origin Code Hosting, kaasoo u shaqeeya sida GitHub oo kale. Marka hore waxaan kala saarayaa laba shay oo dadku badanaa isku qaldaan: Git waa tool-ka versioning-ka ee code-kaaga aad ku maamusho, GitHub-na waa code hosting, meesha aad code-kii kombuyuutarkaaga ku yaallay ku kaydsato. Origin-na waa GitHub sidiisa, Git ma aha.

Kadib waxaan dul marayaa waxa uu qabanayo: repo cusub oo Cursor gudihiisa laga sameeyo, repo-yadaadii GitHub oo aad halkaas u soo wareejiso, pull requests, timeline-ka commit-yada, iyo diff-ka oo ah farqiga u dhexeeya code-kii hore iyo kan cusub. Sidoo kale by default waxaad heleysaa agent review kuu sameeya repo walba, extensions loo sameeyo repo-yada, iyo isku xirka Vercel oo deployment-ka toos ah kuu fududaynaya.

Qaybta dambe waa tijaabo. Qaybta Codebase ee dashboard-ka Cursor waxaan ka sameeyay repo cusub oo Note Taking ah, waxaan soo dejiyay Origin CLI, login-ka, init-ka iyo push-ka waan sameeyay. Kadibna waxaan agent-ka ku amray inuu code-ka nadiifiyo oo production u diyaariyo, wuxuuna ku daray production config, 404 page, X-Powered-By-gana wuu ka saaray. Ugu dambayn waxaan isku dayay inaan Vercel ku deploy-gareeyo anigoo Git provider-ka u beddelay Origin, laakiin akoonkayga free-gii wuu ka baxay. Xusuusnow weli waa beta, waxaadna u baahan tahay Cursor Pro.

English summary

A 16-minute Somali-language (Af-Soomaali) video from Dugsiiye on Cursor Origin, the code hosting service Cursor launched to work the way GitHub does. It starts by separating two things people confuse: Git, the versioning tool, and GitHub, where code is hosted. It then walks through what Origin offers: creating a repo inside Cursor, moving existing GitHub repos over, pull requests, a commit timeline, diffs, a native review agent on every repository, repo extensions, and deployment partners including Vercel, Depot and Buildkite. The second half is a live demo: creating a Note Taking repo from the Cursor Codebase dashboard, installing and logging into the Origin CLI, pushing the project, asking the agent to clean the code up for production, and attempting a Vercel deploy with Origin as the Git provider. Cursor Pro is required and Origin is still in beta. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Farqiga u dhexeeya Git iyo GitHub
  • Waxa uu yahay Cursor Origin Code Hosting
  • Abuurista repo cusub iyo soo wareejinta repo-yada GitHub
  • Commits, timeline iyo diff-ka code-ka
  • Agent-ka review-ga native ah iyo extensions-ka repo-yada
  • Soo dejinta Origin CLI, login-ka iyo push-ka
  • Isku xirka Vercel iyo deployment-ka

Cutubyada

Su'aalo

Ma bilaash baa Cursor Origin?
Maya. Videoga waxaan ku sheegayaa in aad u baahan tahay account Cursor Pro ah si aad u isticmaasho.
Origin ma beddelayaa Git?
Maya. Origin waa code hosting sida GitHub oo kale, Git-na waa tool-ka versioning-ka. CLI-guna wuxuu u shaqeeyaa si la mid ah git: init, clone iyo push.
Vercel ma toos baan ugu deploy-gareyn karaa?
Git provider-ka waxaad ka beddeli kartaa Origin, repo-guna wuu soo galayaa. Videoga markaan tijaabiyay Pro ayaa la iga rabay maadaama akoonkayga free-gii uu ka baxay, sidaas darteed halkaas ayaan ku joojiyay.

La xiriira