Sidee Ayaad U Baran Kartaa AI 2026? Core AI iyo Applied AI
AI laba waji buu leeyahay: Core AI oo ah in models la tababaro, iyo Applied AI oo ah in models-ka jira wax lagu dhiso. Qoraalkan waxaad ku ogaanaysaa kan adiga kugu habboon iyo halka laga bilaabo.
Su'aasha dadku inta badan isweydiiyaan waa tan: sidee ayaan AI u baran karaa? Jawaabtu waxay ku bilaabataa inaad fahanto in AI-gu laba waji leeyahay, oo aad dooratid kan adiga kugu habboon.
Kani waa qaybta 5aad ee taxanaha AI. Video ahaan halkan ka daawo:
Labada waji ee AI-ga
1. Core AI. Kani waa inaad si qoto dheer AI-ga u gasho: models inaad samayso, train-gareyso, fine-tuning ku samayso. Waa waddada dadka soo saara models-ka sida GPT iyo Claude.
2. Applied AI. Kani waa inaad isticmaasho models-ka jira, sida ChatGPT, Claude, Gemini iyo kuwa open source-ka ah sida DeepSeek, adigoo ku dhisaya applications dhab ah.
Maxaa Applied AI looga bilaabaa?
Dadka coding-ka yaqaanna, waddada ugu fudud waa Applied AI. Sababtu waa tan:
Uma baahnid inaad model from scratch train-gareyso. Model training-ku waa experimental: waqti buu qaataa, lacag badan buu u baahan yahay, natiijaduna lama saadaalin karo. Xataa shirkadaha waaweyn ee models-ka soo saaraa si buuxda uma sheegi karaan sida model-ku u dhaqmayo: parameters ayaa lagu koontaroolaa, mararka qaarna faraha ayuu ka baxaa. Waxaad aragtay models la celiyay kadib markii jailbreak lagu sameeyay.
Halkii aad taas gali lahayd, Applied AI-ga waxaad ka bilaabaysaa maanta: model-ka ku fiican use case-kaaga ayaad dooranaysaa, waxaadna dhisaysaa application. Waxa ugu muhiimsan waa engineering-ka: sida model-ka loo waco, functions-ka, jawaabaha uu soo celinayo, tools-ka uu isticmaalayo, iyo sida aad harness-kaaga u wanaajiso.
Core AI goorma?
Marka aad Applied AI muddo ku jirto, waxaa kugu soo dhacaysa: "model-ladan haddii ay sidan u shaqeeyaan, ka warran model aniga ii gaar ah oo baahidayda qabta?"
Markaas waxaad u baahan tahay Core AI: xisaabta, statistics, probability iyo algebra. Waa waddo dheer, sida jaamacad oo kale, waxayna u baahan tahay dulqaad: experiments ayaad samaynaysaa, saacado ayaad jawaab sugaysaa, marar badanna dib ayaad u bilaabaysaa. Laakiin skills-ka aad ku baranayso aad bay u qiimo badan yihiin.
Soomaaliya baahiyo gaar ah ayaa na horyaalla, sida luqadda Soomaaliga oo aad u liidata marka la joogo models-ka kala duwan. Haddii ay noqoto cod ama qoraal, sidee ayaan Soomaaliga u hormarin karnaa dhanka AI-ga? Arrimahaas Dugsiiye qorshayaal ayay ugu jirtaa.
Waddada aan kugula talinayno
- Coding-ka aasaaska ah baro haddii aadan aqoon: halkan ka bilow
- Applied AI ka bilow: models-ka jira fahan, API-yada ku tababbaro, applications yaryar dhis
- AI Engineering baro: chat apps, RAG systems iyo agents dhis
- Core AI gal haddii aad rabto inaad models tababarto, kadib marka aasaasku kuu fadhiyo
Applied AI-gu waa demand-ka ugu sarreeya hadda. Shirkado billions dollars leh ayaa isticmaala models-ka diyaarsan. Dad fara ku tiris ah ayaa models soo saara, laakiin dadka wax ku dhisa models-kaas ayaa aad uga badan. Soomaaliya gudaheedana, ganacsiyada dhibaatooyinkooda waxaa lagu xallin karaa Applied AI.
Su'aalo badanaa la weydiiyo
Coding ma u baahanahay si aan AI u barto? Haddii aad rabto inaad AI wax ku dhisto, haa. Warka wanaagsan: labadaba Af-Soomaali ayaad ku baran kartaa, coding-ka iyo AI-gaba.
Immisa ayay qaadataa? Applied AI-ga aasaaskiisa bil ama laba bil ayaad ku fahmi kartaa haddii aad coding taqaanno. Core AI waa waddo sannado ah.
Xaggee ka bilaabaa haddii aan eber ka bilaabayo? Waddada oo dhan, HTML ilaa AI Engineer, Mentorship-ka Dugsiiye ayaa hal meel kuugu duuban: 10 course, 700+ cashar oo Af-Soomaali ah, mentor toos ah iyo community.
Taxanaha oo dhammaystiran
- Waa Maxay AI?
- Waa Maxay AI Engineer?
- Waa Maxay LLMs?
- Waa Maxay AI Agent?
- Sidee Loo Bartaa AI 2026? (qoraalkan)
Diyaar ma u tahay tallaabada xigta? AI Engineering Masterclass ama Mentorship-ka Dugsiiye.
Mohamud Osman
A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.
More Reading
More like this.
Baro Claude Code Af-Soomaali: Skills, Agents iyo MCP (Full Course)
Claude Code waa tool agentic-ka ah ee ugu shaac baxay dunida technology-ga. Qoraalkan waxaad ku helaysaa koorso dhammaystiran oo Af-Soomaali ah: install-ka, context-ga, memory-ga, skills-ka, sub-agents iyo MCP.
Baro Cursor AI Af-Soomaali: Sida Saxda ah ee Loo Isticmaalo
Cursor waa code editor AI ah oo wax badan ka beddelay sida software-ka loo dhiso. Qoraalkan waxaad ku baranaysaa features-ka ugu muhiimsan, qofka uu anfacayo, iyo khaladka dadku ugu badan galaan.
Waa Maxay AI Engineer? Farqiga AI Engineer, Data Scientist iyo ML Engineer
AI engineer, data scientist, machine learning engineer iyo prompt engineer: roles-kan waa lagu wareeraa. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa shaqada uu mid kastaa qabto iyo kan adiga kugu habboon.