Anthropic Watermark Waa Halis Xoogan
Sharaxaad
Videogan waxaan kaga hadlayaa go'aanka Anthropic ku dhawaaqday ee ah in jawaabaha model-ladeedu soo saaraan lagu dari doono watermark. Anthropic keligeed ma aha; dhammaan shirkadaha model-lada soo saara ayaa waddadaas lagu qasbay, sheekaduna waxay ka bilaabatay sharci Midowga Yurub soo saaray. Midowga Yurub caado ayay u tahay inay sharciyo ku hagto shirkadaha technology-ga, qofkii u hoggaansami waayana ganaax ayaa lagu soo rogaa.
Kadib waxaan sharxayaa waxa uu yahay watermarking-ku. Jawaabta AI-gu kuu soo saaro, ha ahaato sawir, video ama qoraal, waxaa la socda information muujinaysa shirkadda iyo model-ka soo saaray. Tusaale ahaan, macallinkaagu wuu check-gareyn karaa in document-ga Claude qoray iyo in kale. Waxaan idin tusayaa boosti aan Meta ku soo galinnay oo lagu calaamadeeyay AI content, maxaa yeelay sawirka GPT ayaa soo saaray, meta information-ka sawirka ku jirana Facebook ayaa aqoonsaday. Tallaabada xigtaa waa in qoraalka naftiisa lagu daro calaamaddaas, taasoo taabanaysa business-ka, jaamacadda, presentation-nada iyo code-ka aad qorto.
Ugu dambayn waxaan sheegayaa xalka. Waxaa jira developer soo saaray GitHub repo watermark remover ah, oo Python script ah ee aad run-gareyn karto ama aad u dhiibi karto Cursor, Claude Code ama Gemini. Link-ga waxaan gelinayaa qaybta description-ka. Haddaadan developer ahayn howshu way adkaan doontaa, laakiin fiidiyow gaar ah ayaan uga sameyn doonaa qaabka ugu fudud. Waxaan sidoo kale xusayaa SynthID-ga Gemini ku darayso sawirrada ay soo saarto.
English summary
A six-minute Somali-language (Af-Soomaali) explainer from Dugsiiye on Anthropic's announcement that the responses its models return will carry a watermark. Every company shipping models has been pushed the same way, following a European Union rule, with fines for anyone who does not comply. The video explains what watermarking is: an image, video or piece of text returned by an AI carries information identifying the company and the model behind it, so a professor could check whether a document was written by Claude. A Dugsiiye post on Meta is used as the example, flagged as AI content because the image came from GPT. It then covers a GitHub watermark remover, a Python script you can run or hand to Cursor, Claude Code or Gemini, and Gemini's SynthID for generated images. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Go'aanka Anthropic ee watermark-ka jawaabaha
- Sharciga Midowga Yurub ee arrinta ka dambeeya
- Waxa uu yahay watermarking-ka sawirka, videoga iyo qoraalka
- Sida Facebook u aqoonsado oo ugu calaamadeeyo AI content
- Meta information-ka ku jira sawirrada AI-gu soo saaro
- Tool-ka GitHub ee watermark-ka lagaga saaro
- SynthID-ga Gemini iyo aqoonsiga sawirrada
Cutubyada
Su'aalo
- Ma Anthropic keliya baa watermark isticmaalaysa?
- Maya. Videoga waxaan ku sheegayaa in dhammaan shirkadaha model-lada soo saara lagu qasbay, sharciga Midowga Yurub ayaana ka dambeeya.
- Ma la ogaan karaa in qoraalkayga AI qoray?
- Haa. Calaamad ayaa la socota jawaabta, qofka access-ka haystaana wuu check-gareyn karaa in AI qoray iyo model-kii soo saaray.
- Sidee baan watermark-ka uga saaraa?
- Tallaabooyinka faahfaahsan videogan kuma jiraan. Waxaan sheegayaa in uu jiro GitHub repo Python script ah oo description-ka lagu gelinayo, fiidiyow gaar ahna aan uga sameyn doono.


