AI ama Artificial Intelligence waa tiknoolajiyada lagu dhisayo barnaamijyo iyo mashiinno awood u leh inay qabtaan shaqooyin caqli bini’aadam u baahan lahaa. AI ma aha kaliya code caadi ah oo amar la siiyo, waa nidaam xog wax ka baranaya, go’aan ka gaaraya, mararka qaarna xitaa iskiis isu horumarinaya
AI wuxuu leeyahay qaybo kala duwan. Machine Learning waa marka mashiinka lagu tababaro xog badan si uu u barto habdhaqan. Tusaale ahaan, haddii kumannaan sawir oo bisado ah la siiyo, mashiinku wuxuu baran karaa sida bisad loo aqoonsado. Deep Learning waa qayb hoose oo isticmaalaysa Neural Networks oo ah mid qaabka maskaxda bini’aadamka u shaqeyo, taas oo awood u siinaysa AI inuu barto hawlo aad u adag sida cod inuu aqoonsado, tarjumaadda, iyo xitaa sawir sameynta.
AI waxa uu ka shaqeeyaa Automation — in hawlo badan oo caadi ahaan bini’aadam u baahan lahaa lagu qabto si automatic ah. Waxaa intaas dheer, AI wuxuu leeyahay awood uu xog badan ku falanqeeyo (Big Data), taas oo u oggolaanaysa inuu arko natiijooyin bini’aadamku sahal ku arki karin.
Bal qiyaas inaad leedahay farmashiiye yar. AI app ayaa xogtaada ku falanqeyn kara si uu kuu sheego daawada ugu badan ee la iibiyay bishii hore, waxa laga yaabo in bishan la iibiyo, iyo xitaa inuu kugu wargeliyo in daawo hebel in ay dhamaad ku dhowdahay. Halkii adiga maskaxdaada ku xisaabin lahayd, AI ayaa automatic kuu qabanaya.
Marka Soomaaliya la eego, AI waa fursad weyn oo lagu hormarin karo adeegyada bulshada. Caafimaadka, AI waxaa lagu adeegsan karaa in lagu ogaado cudurrada iyadoo lagu saleynayo raajo iyo baaritaanno. Waxbarashada, AI wuxuu noqon karaa macallin caawiya oo arday kasta si gaar ah ula jaanqaada. Ganacsiga, AI wuxuu kaa caawin karaa inaad xogta macaamiisha fahanto, isla markaana aad go’aan sax ah gaarto. Halista jirta waa in aqoonta iyo fahamka AI ay weli yartahay, taasoo keeni karta in dadka lagu khiyaaneeyo ama AI loo adeegsado si khaldan.
AI waa sida caqli cusub oo lagu daro kombiyuutar. Waa tiknoolajiyo awood badan oo Soomaaliya u noqon karta fursad ay kaga gudubto caqabadaha caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqaale.
More like this

Waa Maxay Machine Learning
Machine Learning waa qayb ka mid ah AI, waana habka mashiin lagu baro xog si uu iskiis u sameeyo go’aan ama saadaal.

Xogtu Waa Shidaalka Cusub
Xogaha la abuuro, la kaydiyo, lana isticmaalo waxay gaartay heer aan hore loo arag. Sannadka 2025 waxaa lagu qiyaasaa in xogta caalamka ay gaartay 147 zettabytes.