Stripe waxay iibsatay OpenRouter ! 8B Dollar Ayuu Ahaa Deal-ka
Sharaxaad
Videogan waxaan kaga hadlayaa war cusub oo suuqa teknoolojiyadda ka soo baxay: shirkadda Stripe ayaa la wareegtay OpenRouter. Stripe waa shirkad process-garaysa payment-iga casriga ah, ku dhawaad application kasta oo maanta jira lacagaha online-ka ah waxay ku maraysaa Stripe. Xitaa shirkadaha waaweyn sida OpenAI, Anthropic iyo Google way isticmaalaan, inkastoo ay leeyihiin nidaam lacag-qaadis oo gaar ah.
OpenRouter sannadihii la soo dhaafay role weyn ayay ka ciyaartay dhinaca AI-ga. Shirkadaha models-ka bixiya, sida Meta, Anthropic, Google iyo OpenAI, mid walba wuxuu kaa rabaa inaad si gooni ah kaarkaaga ugu xirto, API key gaar ahna aad ka soo qaadato, kadibna aad daba socotid documentation-ka mar walba isbeddelaya. OpenRouter dhammaan hal meel bay isugu keentay: in ka badan 400 model ayaa system-kooda ku jira, hal API key ayaadna ku isticmaalaysaa. Model kasta oo cusub oo soo baxa isla markiiba way host-garaysaa, si sahlanna ayaad ugu xiri kartaa application-nada aad dhisayso. Aniga qudhaydu aad iyo aad ayaan u isticmaalaa, adeegyada aan application-nadayda ku daro badankood halkaas ayaan ka maraa.
Lacagta lagu wareegay waxaa la sheegay inay gaadhayso ilaa 8 bilyan oo doolar, taasoo tiro aad u weyn ah. Inkastoo Stripe aysan Soomaaliya ka shaqayn, weli waa shirkadda ugu muhiimsan marka la eego business-ka casriga ah ee online-ka lagu wado. Waxaan u arkaa war soo dhawayn mudan, maadaama capital-ka ay Stripe haysato uu awood u siinayo inay adeegga sii xoojiso oo sii casriyayso. Comments-ka hoose iiga sheega waxa aad ka rajaynaysaan heshiiskan.
English summary
A three-minute Somali-language (Af-Soomaali) tech news video from Dugsiiye on Stripe acquiring OpenRouter. Stripe is the payment processor behind almost every modern app, used even by OpenAI, Anthropic and Google alongside their own billing, and the deal was reported at around 8 billion dollars. The video explains why OpenRouter matters to developers: instead of attaching a card, pulling an API key and chasing the documentation of every provider separately, OpenRouter puts more than 400 models behind a single API key and hosts each new model as soon as it ships, which is why Mohamed leans on it heavily in his own applications. He notes that Stripe is not available in Somalia yet remains the most important payment company for modern online business, and reads the acquisition as welcome news because Stripe's capital can strengthen the service. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Waa maxay Stripe iyo sababta ay application kasta u isticmaasho
- Heshiiska ay Stripe kula wareegtay OpenRouter iyo qiimihiisa
- Qaabka ay OpenRouter u shaqayso
- Faa'iidada hal API key iyo in ka badan 400 model
- Sida models-ka cusub isla markiiba loogu heli karo
- Meesha ay Soomaaliya ka taagan tahay adeegyada payment-ka casriga ah
- Waxa heshiiskan u keeni karo adeegga OpenRouter
Cutubyada
Su'aalo
- Stripe ma laga isticmaali karaa Soomaaliya?
- Maya, weli Soomaaliya available kuma aha. Hase yeeshee waa shirkadda ugu muhiimsan marka la eego lacag-qaadista online-ka iyo business-ka casriga ah.
- Maxay tahay faa'iidada OpenRouter?
- Hal API key ayaad ku isticmaalaysaa in ka badan 400 model, mana u baahnid inaad shirkad walba kaar iyo API gooni ah ugu xirto.
- Immisa ayuu ahaa heshiisku?
- Waxaa la sheegay ilaa 8 bilyan oo doolar. Tiradaas waxay muujinaysaa booska ay OpenRouter ka buuxisay suuqa AI-ga.


