Claude Design Caadi Maahan | Claude AI Af Soomaali

Claude Code & Agentic1 saac23 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan waxaan ku tusayaa Claude Design, waxaana loogu talagalay designer-ka, developer-ka doonaya inuu design-ka AI-ga ku sameeyo, iyo qofka presentation-no iyo reports gudbiya. Marka hore waxaan sharxayaa muhiimadda design system-ka. Shirkado badan oo xitaa waaweyn ayaa leh websites iyo apps aan lahayn consistency: page walba color kale, font kale iyo button kale, post-yada social media-hana midab walba maalin.

Waxaan dejinayaa design system cusub oo Dugsiiye ah, kadibna waxaan ka dhisayaa high fidelity design system, web UI kit iyo sample page. Waxaan sidoo kale sameeyay presentation PowerPoint ah ee cimilada ku saabsan, mobile app design Voice AI Assistant ah ee shaashadaha la isku xiray, iyo animation gaaban oo YouTube-ka loogu talagalay. Waxaan dul marayaa sida naqshadda loo tweak-gareeyo iyo sida midabada loo doorto.

Qaybta ugu xiisaha badan waa handoff-ka. Design-kii ayaan koobiyeeyay oo Claude Code u dhiibay, sagaal daqiiqo gudahoodna wuxuu ii dhisay application React ah ee design system-keena raacaysa, kadibna waan run-gareeyay oo live u tijaabiyay. Waxaan kaloo idin xasuusinayaa inaad usage-ka isha ku hayso, maadaama design-ku token badan cunayo, iyo in loo baahan yahay subscription Pro ama Max ah.

English summary

A one-hour Somali (Af-Soomaali) tour of Claude Design from Dugsiiye. It begins with why a design system matters and builds one from scratch, then a high fidelity version, a web UI kit and a sample page. From there it produces a presentation deck, a Voice AI Assistant mobile app design with linked screens, and a short YouTube animation, covering colour choices and tweaking along the way. The final section is the handoff: the design is passed to Claude Code, which builds a working React application matching the design system in about nine minutes, and the result is run and reviewed live. It also covers watching token usage and the subscription tier required. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Muhiimadda design system-ka iyo consistency-ga
  • Sida design system cusub loo dejiyo
  • Prototyping ka hor inta aan code-ka la gelin
  • Sameynta presentation iyo web UI kit
  • Design-ka mobile app iyo isku xirka shaashadaha
  • Handoff-ka Claude Code iyo dhisidda app-ka
  • Ilaalinta usage-ka iyo token-nada

Cutubyada

Su'aalo

Free-ga ma ku shaqaynayaa?
Maya. Waxaa loo baahan yahay subscription Pro ama Max ah.
Ma designer baan noqonayaa?
Videogu wuxuu ku tusayaa sida design-ka loo sameeyo adigoon designer ahayn, laakiin design system fiican ayaa natiijada go'aaminaya.
Design-ka kadib maxaan sameeyaa?
Claude Code u dhiib si uu code uga dhiso. Videoga hal application ayaa lagu dhisay sagaal daqiiqo gudahood.

La xiriira