Hal Meel Ka Maamul Agents-kaaga | Claude Code Iyo Codex Hal meel Ka'isticmaal

Claude Code & Agentic8 daqiiqo5 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan waxaan ku tusayaa sida aan Claude Code iyo Codex hal meel isugu wada isticmaalo. Qof badan ayaa hadda ku qasban inuu labada u kala wareego, maadaama model-ka cusub ee GPT uu soo baxay, subscription-kiisuna Claude ku jiro. Xalka aan tijaabiyay waa plugin la yiraahdo Codex Plugin for Claude Code. Rakibiddiisu waa mid fudud: link-ga GitHub-ka Claude u geli oo ku dheh plugin-kan i rakib. Asaga ayaa link-ga booqanaya oo wixii loo baahan yahay akhrinaya, adiga gacanta waxba kuma samaynaysid. Qoraalka codka ayaan ku sameeyaa, WhisperFlow ayaana ii qabta.

Kadib Fable waxaan uga dhigaa orchestrator, sababtoo ah asagu waa maamulaha guud ee agents-kayga. Shaqada oo dhan hal meel ayay ka socotaa, halkaas ayaana review ka sameeyaa, xogtuna kaama kala fogaanayso. Tusaale ahaan waxaan ku idhi website HTML ah oo fudud ii samee, shaqadana u dhiib Codex sub-agent, adigu kaliya orchestrate garee oo wax walba hubi. Codex wuxuu u furay folder gaar ah, activity-gana waan ka daawan karaa isagoo background-ka ka shaqaynaya. Mar ayuu permission ii soo celiyay, waanan dib u diray, muddo daqiiqad ku dhow ayuuna ku dhammeeyay. Faylasha wuu hubiyay, browser-kana Chrome ayuu ku tijaabiyay, aniguna faylka waxaan ku furay Cursor si aan natiijada u arko.

Casharka ugu weyn waa in aadan agent-ka dul fadhiisan. Intuu shaqaynayo shaqo kale sii wad, oo shaqo kastana agent-ka ku habboon u dir: mid Codex, mid Sonnet, mid Opus, mid Haiku. Si parallel ah ayay kuugu shaqaynayaan. Haddaad labada meelood ka faa'iidaysan karto aad bay kuu anfacaysaa. Aad baad u mahadsantihiin.

English summary

An 8-minute Somali-language (Af-Soomaali) workflow demo from Dugsiiye. Mohamed shows how to run Claude Code and Codex together instead of switching between them: installing the Codex plugin for Claude Code by simply handing Claude the GitHub link, dictating prompts with WhisperFlow, and then making Fable the orchestrator that manages every agent from one place so the context and the review stay in one window. He asks for a simple HTML site and tells the orchestrator to hand the work to a Codex sub-agent, verify it, and report back. Along the way he shows the Codex activity view, a sandbox permission that came back and had to be resent, the browser check through Chrome, and the finished pages opened in Cursor. He closes on parallel agents and why you should never sit and babysit one. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Rakibidda Codex Plugin for Claude Code adigoo link-ga GitHub-ka Claude u dhiibaya
  • Sida Claude Code loogu dhigo orchestrator oo agents-ka oo dhan hal meel laga maareeyo
  • Shaqo u dirista Codex sub-agent iyo sida loo eego activity-giisa
  • Waxa la sameeyo marka sandbox permission diidmo soo celiso
  • Hubinta natiijada: faylasha, browser-ka Chrome iyo furitaanka faylka Cursor
  • Kala qaybinta shaqooyinka Codex, Sonnet, Opus iyo Haiku si parallel ah
  • Sida looga baxo babysitting-ga agent-yada adigoo shaqo kale sii wada

Cutubyada

Su'aalo

Sidee Codex ugu dhex shaqaynayaa Claude Code?
Waxaa jira plugin la yiraahdo Codex Plugin for Claude Code. Link-ga GitHub-ka ayaad Claude u gelisaa oo waxaad ku dhahdaa plugin-kan i rakib, asaga ayaana booqanaya oo qaabka isticmaalka akhrinaya. Gacanta waxba kuma samaynaysid, Codex-na waa inuu furan yahay si hawshu u socoto.
Maxaan orchestrator ugu baahanahay?
Si xogtu hal meel uga socoto. Haddaad maalintii oo dhan Codex iyo Claude u kala wareegto, mid kastaa wuxuu hayaa xog kala duwan, waxaana kuu timaadda natiijo is khilaafsan. Orchestrator-ku wuxuu hayaa xogta oo dhan, asagaana go'aamiya agent-ka shaqada la siinayo.
Miyaan agent-ka dul fadhiisan karaa inta uu shaqaynayo?
Maya, waqtigaaga ayaa ku lumaya. Intuu shaqaynayo shaqo kale ka dul wad, oo shaqooyinka kala duwan agents-ka kala dir si parallel ah, si aadan maalinta oo dhan hal hawl dul fadhiisan.

La xiriira