Vibe Coding Iyo Agentic Coding Aan Ka Hadalno !
Sharaxaad
Video-gan waxaan ku kala saarayaa afarta marxaladood ee coding-ku soo maray, iyo sababta dadku isugu qaldaan vibe coding iyo agentic coding. Waxaan ugu talagalay developer-ka iyo qofka hadda bilaabaya oo doonaya inuu ogaado meesha uu istaagayo.
Marxaladda koowaad waa traditional coding-kii AI-ga ka horreeyay: qofku wuxuu qori jiray line walba, documentation-ka iyo Stack Overflow ayuu ku noolaan jiray. Waxaan idinla wadaagayaa in Dugsiiye markii aan Node.js iyo React u wareejinayay ay shan ilaa lix bilood i qaadatay. Marxaladda labaad waa Copilot era-dii 2021, oo AI-gu suggestion ku siinayo, adiguna go'aan ka gaaraysid. Marxaladda saddexaad waa vibe coding: AI-gaa qoraya, adiguna waxaad fiirinaysaa output-ka oo keliya. Waxaan sharraxayaa khataraha: project aan iyo saaxiibkay aragnay oo ku jiray in ka badan laba boqol oo vulnerability ah, iyo application aan security lahayn oo data-da users-ka la keenay banaanka.
Marxaladda afaraad waa agentic coding: AI-gaa qoraya, laakiin adigaa go'aanka ka gaaraya architecture-ka, library-yada, security-ga iyo testing-ka. Shaqadayda ugu badan hadda waa review. Ugu dambayn waxaan sheegayaa goorta mid walba loo isticmaalo: prototyping-ka vibe coding, feature production-ka agent, barashada coding-kana Copilot style.
English summary
A 22-minute Somali-language (Af-Soomaali) explainer from Dugsiiye on the four eras of coding and the difference between vibe coding and agentic coding, which people routinely confuse. It covers traditional pre-AI coding, the 2021 Copilot era of inline suggestions, vibe coding where the AI writes and the human only checks the output, and agentic coding where the AI writes but the engineer still owns architecture, libraries, security and testing. It uses real cases: a project reviewed with over 200 vulnerabilities, and an app that leaked user data because nobody checked the code. It ends with a practical matrix of when to use each approach: vibe coding for prototypes, UI experiments and small scripts, agents for production features, big refactors and bug hunts in large repositories, and Copilot style while you are still learning. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Afarta marxaladood ee coding-ku soo maray
- Farqiga u dhexeeya vibe coding iyo agentic coding
- Khataraha amniga ee vibe coding-ka iyo tusaalayaal real ah
- Doorka bini'aadamka ee agentic coding: review, architecture iyo testing
- Goorta mid walba loo isticmaalo: prototype, production ama refactor
- Sababta aan looga bilaabin vibe coding marka aad coding baranayso
Cutubyada
- 0:00Hordhaca Afarta Marxaladood Ee Coding-ka Af Soomaali
- 1:40Traditional Coding Muxuu Ahaa? Af Soomaali
- 2:46AI-Assisted Coding Iyo Copilot Af Soomaali
- 4:00Vibe Coding Iyo Agentic Coding Af Soomaali
- 5:17Caqabadihii Traditional Coding-ka Af Soomaali
- 10:00Khataraha Amniga Ee Vibe Coding Af Soomaali
- 13:21Doorka Bini'aadamka Ee Agentic Coding Af Soomaali
- 16:44Goormee La Isticmaalaa Hab Kasta? Af Soomaali
- 18:25Talooyinka Ku Saabsan Barashada Coding-ka Af Soomaali
- 21:36Gunaanad Iyo Soo Koobid Af Soomaali
Su'aalo
- Vibe coding ma xun baa?
- Maya, meeshiisa way ku fiican tahay: prototype, landing page iyo tijaabo UI ah. Shaqada production-ka ayaysan ku habboonayn.
- Waa maxay agentic coding?
- AI-gaa code-ka qoraya, adiguna waxaad go'aan ka gaaraysaa architecture-ka, library-yada iyo security-ga, kadibna waad review sameynaysaa.
- Haddaan hadda baranayo, sidee bilaabaa?
- Aasaaska horta baro, Copilot style ku soco, hana ku boodin agent-ka ilaa fundamentals-kaagu fadhiyaan.


