Noqo AI Engineer | Full Stack Somali AI Engineer Mentorship

Kale10 daqiiqo6 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Video-gan waxaan ku sharraxayaa wax walba oo ku saabsan barnaamijka Full-Stack AI Engineer ee Dugsiiye, iyo cidda loo talagalay. Waxaa qaadan kara qof kasta oo raba inuu programmer noqdo, xataa haddaanad weligaa code qorin. Waxaad u baahan tahay kombiyuutar iyo internet oo keliya.

Barnaamijku sideed phase ayuu u kala baxayaa. Waxaan ka billaabaynaa HTML, CSS, Tailwind iyo GitHub, kadibna JavaScript oo ah meesha logic-ga looga bartaa. Waxaa ku xigaya React, backend Node.js, Express iyo MongoDB, TypeScript, iyo Next.js oo ah framework full-stack ah. Qaybta labaad waa AI-ga. Waxaad baranaysaa AI foundations, integration-ka API-yada sida OpenAI, models-ka kala duwan, text-to-speech, image generation iyo streaming. Waxaad sidoo kale baranaysaa Better Auth, ORMs iyo Postgres. Kadib waxaad dhisaysaa full-stack chat app oo la mid ah ChatGPT, image editor adigoo isticmaalaya Nano Banana, RAG system oo document-yada local-ka ah su'aalo laga weydiiyo, AI agents iyo multi-agent system, ilaa fine-tuning-ka models-ka open source.

Ugu dambayn waxaa jira Agentic Coding with Cursor iyo Claude Code, oo aad ku dhisayso application end-to-end ah adigoo isticmaalaya skills, MCP, background agents iyo cloud agents. Barnaamijku waa lix bilood, mentors iyo shir toddobaadle ahna waa la socdaan.

English summary

A 10-minute Somali-language (Af-Soomaali) overview of Dugsiiye's Full-Stack AI Engineer mentorship, aimed at complete beginners as well as working developers. It walks through eight phases: HTML, CSS, Tailwind and GitHub; JavaScript for programming logic; React; Node.js, Express and MongoDB on the backend; TypeScript; and Next.js as the full-stack framework. The AI half covers AI foundations, API integration with providers such as OpenAI, text-to-speech and image generation, streaming, Better Auth, Postgres and ORMs, then real builds: a ChatGPT-style streaming chat app, an image editor using Nano Banana, a RAG system over local documents, AI agents and multi-agent systems, and fine-tuning open-source models. It closes with agentic coding using Cursor and Claude Code, including skills, MCP and background agents. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Habka barnaamijka sideedda phase u kala baxayo
  • Aasaaska web-ka: HTML, CSS, Tailwind iyo GitHub
  • Backend-ka Node.js, Express iyo MongoDB, iyo TypeScript
  • Integration-ka API-yada AI-ga iyo models-ka kala duwan
  • Dhisidda RAG system oo document-yada local-ka ah wax laga weydiiyo
  • AI agents iyo multi-agent systems
  • Agentic coding adigoo isticmaalaya Cursor iyo Claude Code

Cutubyada

Su'aalo

Ma qaadan karaa haddaan weligay code qorin?
Haa. Barnaamijku wuxuu ka bilaabmayaa zero, waxaadna u baahan tahay kombiyuutar iyo internet oo keliya.
Waqti intee le'eg ayuu i qaadanayaa?
Waa lix bilood haddaad toddobaadkii saddex saac heli karto, wuuna ka gaaban karaa haddaad waqti badan gelisid.
Keligay ma isku dhex haynayaa?
Maya. Mentors ayaa ku taageeraya, shir toddobaadle ah ayaa jira, challenges iyo team-na waa la isku xirayaa.

La xiriira