Yaa Fiican Sawir Sameynta AI: ChatGPT, Grok Imagine iyo Gemini?

Thumbnails-ka Dugsiiye ee ugu dambeeyay oo dhan AI ayaa sameeyay. Qoraalkan waxaad ku ogaanaysaa tijaabo real ah oo saddexda tool isla shaqo la siiyay, kan guulaystay, iyo prompt-ka sawir fiican lagu helo.

Yaa Fiican Sawir Sameynta AI: ChatGPT, Grok Imagine iyo Gemini?

Thumbnails-ka video-yada Dugsiiye ee ugu dambeeyay haddaad fiiriso, way yar tahay in mid designer sameeyay aad aragto: dhammaan ChatGPT ayaa sameeyay. Marka Grok ay soo saartay Imagine Image 2.0, waxaan is iri aan tijaabiyo: saddexda tool isla shaqo ayaan siiyay, isla sawir iyo isla prompt, si aan u aragno yaa fiican.

Video ahaan tijaabada halkan ka daawo:

Tijaabada: hal prompt, hal sawir, saddex tool

Shaqadu waxay ahayd YouTube thumbnail live-ka caawa: title-ka "Live stream with MC", design simple oo qurux badan, font modern ah, sawirkayga oo portrait ah, kadibna edit: colors-ka Dugsiiye brand ahaan u isticmaal, live indicator guduud ah ku dar.

Grok Imagine (grok.com/imagine, qayb free ah wuu leeyahay). Markii hore video ayuu ii sameeyay halkii sawir, laakiin markii labaad sawir macquul ah ayuu keenay: fast, font size fiican, editing tools-na wuu leeyahay (crop, aspect ratio, brush). Sawirkiisu waa fiican yahay, laakiin edit-ka markaan siiyay, GPT wuu ka hooseeyay.

ChatGPT. Isla prompt iyo isla sawir. Natiijadu waxay ahayd mid aan la barbardhigi karin: sawirka iyo edit-ka labadaba. Colors-ka Dugsiiye si sax ah ayuu u qaatay, live indicator-ka wuu ku daray, xataa wax yar oo aanan weydiin ayuu soo hagaajiyay. Waa legend, game changer waaye.

Gemini (Nano Banana, gemini.google.com ama Google AI Studio). Fast waaye, image editing-kana ilaa xad wuu ku fiican yahay, laakiin natiijadu waxay ahayd mid beginner camal ah marka la barbardhigo GPT.

Natiijada

Adigu waa judge-ka, laakiin aniga maalin cad GPT ayaan siinayaa: sawir sameynta iyo image editing-ka, ChatGPT waa number one. Grok wuxuu ku fiican yahay speed-ka, sawirkiisuna wuu fiican yahay. Gemini waa fast oo edit fudud wuu qaban karaa. Saddexdaba si free ah ayaad u tijaabin kartaa.

Prompt-ka sawir fiican lagu helo

Waxa natiijada kala saara badanaa waa prompt-ka. Waxa aan mar walba ku daro:

  1. Waxa la rabo: "YouTube thumbnail", ma aha "sawir ii samee"
  2. Style-ka: simple, beautiful, modern font
  3. Title-ka sawirka lagu qorayo
  4. Sawirkaaga: upload garee oo dheh "use this image as a portrait"
  5. Brand colors: "use these colors as brand colors"
  6. Edit gaar ah: intaadan prompt cusub qorin, edit ku samee oo meesha la beddelayo sheeg

Su'aalo badanaa la weydiiyo

Designer miyaanan u baahnayn haddaba? Thumbnails iyo sawirro social media, AI-gu si fiican ayuu u qabanayaa. Design app dhammaystiran iyo brand, qof design taste leh weli waa muhiim. AI-gu wuxuu awood siiyaa qofka xirfadda leh: 10-ka Soft Skills ee Xilliga AI-ga.

Coding sidee ugu fudud loo bartaa? Su'aashan live-ka ayaa la i weydiiyay. Waddo fudud oo gooni ah ma jirto, laakiin basic-ka ka bilow: web haddaad rabto HTML, programming guud haddaad rabto Python. Aasaaska si fiican u fahan, kadib waddooyinka kale ayaa kuu furmaya. Baro Programming Af-Soomaali.

Mohamud Osman

Mohamud Osman

A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.

23
Articles