Web Development

Baro React JS Af-Soomaali: Full Course 22+ Saac oo Bilaash ah

React waa library-ga ugu caansan ee frontend-ka. Halkan waxaad ka helaysaa full course Af-Soomaali ah oo 22 saac ka badan: hooks, Redux, Tailwind, iyo afar project real ah oo ay ku jiraan Netflix clone iyo shopping cart Hormuud EVC Plus ku xiran.

Baro React JS Af-Soomaali: Full Course 22+ Saac oo Bilaash ah

React waa library JavaScript ah oo Meta samaysay, waana kan ugu caansan ee lagu dhiso frontend-ka websites-ka casriga ah. Facebook, Instagram, Netflix iyo kumanaan apps oo kale ayaa ku dhisan. Haddii aad JavaScript aasaaskeeda taqaannid oo aad rabto inaad frontend developer noqoto, React waa tallaabada xigta.

Full Course: React JS Af-Soomaali (22+ saac, bilaash)

Koorsadan waa koorsadii ugu dhererka badnayd ee Dugsiiye soo geliso, in ka badan 22 saac, from start to finish:

Waxaad ku baranaysaa:

  • Aasaaska: JSX, components, props, conditional rendering, lists iyo events
  • Hooks: useState, useEffect, useRef, useContext iyo useReducer
  • Data: fetching API-yo, forms iyo state management
  • Routing: React Router v6
  • Redux Toolkit iyo local storage
  • Styling: CSS, SCSS iyo Tailwind CSS
  • Deployment: GitHub iyo Vercel

Koorsadu labada tool ee project lagu bilaabo way isticmaashaa: create-react-app marka hore, kadibna Vite oo hadda aad loo isticmaalo oo ka speed badan.

Afar project oo real ah

Waxa koorsadan ka dhigaya mid gaar ah waa in aadan theory keliya baranayn, ee aad dhisayso:

  1. Social media app: login, posts, create iyo delete, Context API iyo useReducer
  2. Shopping cart: products, cart, total price, iyo payment ku xiran Hormuud EVC Plus API
  3. Miss Somalia voting app: countdown timer, vote modal iyo Redux Toolkit
  4. Netflix clone: Tailwind CSS, TMDb API, design pixel perfect ah

Maxaad u baahan tahay intaadan bilaabin?

Laba shay oo keliya: JavaScript aasaaskeeda inaad fahantay, iyo Node.js iyo VS Code oo computer-kaaga ku shubtay. JavaScript haddaadan weli baran, halkan ka bilow: Baro JavaScript Af-Soomaali. Code-ka projects-ka oo dhan GitHub ayaad ka helaysaa.

Su'aalo badanaa la weydiiyo

React ma adag tahay? Haddii JavaScript aad fahantay, maya. Waxa dadka wareeriya waa in React la bilaabo iyagoo aan JavaScript fahmin. Aasaaska soo baro marka hore, kadib React si fudud ayay kuu ahaanaysaa.

React mise Next.js? Next.js waa framework React ku dhisan. React marka hore baro, Next.js kadib: React haddaadan fahmin Next.js ma fahmi kartid.

Sidee habka saxda ah wax loogu bartaa koorso 22 saac ah? Ha daawan oo keliya. Istaaji, adigu qor, project walba adigu dhis. Habka buuxa halkan ka akhri: Sida Saxda ah ee Loo Barto Programming-ka.

Tallaabada xigta

Koorsada video-ga waa bilaash. Haddii aad rabto React oo la habeeyay, exercises leh, iyo mentor ku hagaya, React & Hooks Frontend ayaa website-ka kuugu diyaar ah. Waddada oo dhan, HTML ilaa AI Engineer, Mentorship-ka Dugsiiye ayaad ka helaysaa.

Mohamud Osman

Mohamud Osman

A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.

23
Articles