Software Engineering

Claude Code, Cursor iyo Codex: Yaa Fiican? Isbarbardhig real ah

Saddexda agentic coding tools ee ugu caansan ayaan hal specification siiyay: hal project, saddex agent. Qoraalkan waxaad ku ogaanaysaa yaa speed badan, yaa quality fiican, iyo goormaad mid walba isticmaalaysaa.

Claude Code, Cursor iyo Codex: Yaa Fiican? Isbarbardhig real ah

Agentic coding tools-ka sida aad ogtihiin, tool walba meel ayuu ku fiican yahay, tool walbana baahi gaar ah ayuu kuu xallin doonaa. Si aan runta u ogaanno, tijaabo real ah ayaan sameeyay: hal project, hal specification, saddex agent oo kala ah Claude Code, Cursor iyo OpenAI Codex. Qof walba isla shaqadii ayaa la siiyay, si aan la dhihin ninkan specification gooni ah ayaa la siiyay.

Video ahaan isbarbardhigga oo dhammaystiran halkan ka daawo:

Tijaabada: hal spec, saddex agent

Project-ku wuxuu ahaa AI Resume Builder: application qofku resume-kiisa ku samaysan karo, AI-guna summary uga soo saaro, oo PDF ahaan loo soo degsan karo. Intaanan agent-yada u dirin, specification dhammaystiran ayaan diyaariyay: tech stack-ka (Bun, shadcn, OpenRouter), features-ka la rabo, iyo waxa ka baxsan xuduudda oo aan la dhisayn, sida authentication. Sababtu waa mid cad: AI-gu wuxuu caan ku yahay inuu iska assume-gareeyo waxaad u baahan tahay, marka waxaad rabto iyo waxaadan rabin labadaba qor.

Agent walba waxaan u sheegay isla habka aan agentic coding ku baro: tasks u kala jebi, tracker samee oo shaqo walba status-keeda laga arko, orchestrator agent samee oo shaqooyinka sub-agents u kala dira, wixii is-garab socon karana parallel ha u socdaan. Sidaas ayaad ku ogaataa maxaa la dhisay, maxaa dhiman, code-kuna siduu yahay, taas bedelkeeda vibe coding waxba kama ogaan kartid.

Natiijada saddexda

Cursor (Grok 4.6): 47 daqiiqo. Shaqada wuxuu u kala jebiyay 73 task, wuxuuna kiciyay 20 sub-agents. Speed ahaan waa super fast: application shaqaynaya oo download PDF leh ayuu keenay waqti yar gudihiis.

Claude Code: 1 saac iyo 17 daqiiqo. Wuxuu ka dhigay 43 task, wave ahaan ayuu u kala qaaday, shan agent oo is-garab socda ayuu marba kicin jiray. Natiijadu waxay ahayd mid nadiif ah oo quality sare leh: resume la samaysan karo, la wadaagi karo, lana soo degsan karo.

Codex: laba maalmood. Wuxuu ka dhigay 119 task iyo 14 phase, shaqo walbana verification buu marsiinayay, taas oo waqti badan qaadatay. Account limits ayaa dhowr jeer i istaajiyay. Laakiin design-ka uu keenay, gaar ahaan timeline-ka, wuxuu ahaa kan ugu creativity badan saddexda.

Goormaad mid walba isticmaalaysaa?

Halkan ayaa go'aanku ku salaysan yahay: si walba oo uu tool caqli badan yahay, waxaa jirta meel uu kugu liitaa. Marka:

  1. Speed haddaad rabto, shaqo fudud oo si degdeg ah loo dhammeeyo: Cursor oo Grok wata ayaa iska leh.
  2. Smart-nimo iyo quality sare haddaad rabto, shaqadaadana si caqliyaysan laguugu qabto: Claude Code.
  3. Dulqaad haddaad leedahay oo aadan degdeg ku jirin: Codex waa sida qof senior ah oo culus, shaqada si qoto dheer ayuu u galaa laakiin waa inaad sugto.

Su'aalo badanaa la weydiiyo

Anigoo bilow ah, kee ayaan ka bilaabaa? Tool-ka ka hor, aasaaska soo baro: qofka aan code fahmayn saddexda midna si buuxda ugama faa'iidaysto. Sida saxda ah ee loo barto programming-ka halkan ka akhri, kadib Claude Code ama Cursor ka bilow.

Isla habkan tijaabada miyaan anigu ku dabaqi karaa? Haa. Spec qor, tasks u kala jebi, tracker samee, orchestrator iyo sub-agents isticmaal. Habkaas oo dhan, adigoo dhisaya app real ah, Agentic Coding with Claude Code ayaa Af-Soomaali kuugu dhigaysa.

Mohamud Osman

Mohamud Osman

A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.

23
Articles