Baro SQL Database | DBMS | Full Database Af Soomaali

Full Courses3 saac 33 daqiiqo24 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Koorsadan waxaan ku barayaa SQL laga bilaabo waxa database-ku yahay ilaa join-yada iyo index performance tuning-ka. Asal ahaan waxaan u diyaariyay qaybta mentorship-ka, laakiin waxaan go'aansaday inaan YouTube-ka soo galiyo maadaama content-ka SQL-ka ee Af-Soomaali uu aad u yar yahay, asxaab badanna ay i weydiinayeen.

Waxaan ku bilaabaynaa aasaaska: waa maxay database iyo DBMS, farqiga u dhexeeya SQL iyo NoSQL, terminologies-ka core-ka ah, ACID iyo CAP theorem, normalization iyo index-ka. Kadib waxaan ku tusayaa sida MySQL loogu shubto Windows iyo Mac, iyo sida DBeaver loo isticmaalo. Halkaas ayaan ka bilaabaynaa query-ga ugu horreeya: create table, insert into, select, update iyo delete.

Qaybta xiisaha badan waa raadinta iyo falanqaynta. Where clause, LIKE oo smart search lagu sameeyo, AND, OR iyo parenthesis, sorting, limiting iyo renaming columns, kadibna aggregate functions-ka count, sum, average, max iyo min iyo group by. Ugu dambayn waxaan galayaa relations-ka: primary key iyo foreign key, inner join, left iyo right join, iyo sida index-ka loogu sameeyo tables-ka si query-yadaadu u dhaqsoodaan, anigoo explain ku tusaya farqiga rows-ka la baaray. Koorsadu waa saddex saac iyo badh, waana bilaash.

English summary

A three-and-a-half-hour Somali (Af-Soomaali) SQL and database course from Dugsiiye, originally recorded for the mentorship and released free because Somali SQL material is scarce. It starts with what a database and a DBMS are, SQL versus NoSQL, core terminology, ACID and the CAP theorem, normalization and indexes. It then installs MySQL on Windows and macOS, uses DBeaver, and works through create table, insert, select, update and delete, the WHERE clause, LIKE-based search, AND/OR conditions, sorting, limiting and renaming columns, aggregate functions and GROUP BY. It closes with primary and foreign keys, inner, left and right joins, and index performance tuning with EXPLAIN. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Waxa uu yahay database-ka iyo DBMS-ka
  • Farqiga u dhexeeya SQL iyo NoSQL
  • Fahamka ACID, CAP theorem iyo normalization
  • Ku shubidda MySQL iyo isticmaalka DBeaver
  • Query-yada aasaasiga ah: select, insert, update iyo delete
  • Aggregate functions iyo group by
  • Join-yada iyo index performance tuning-ka

Cutubyada

Su'aalo

Ma u baahanahay aqoon hore?
Maya. Waxaan ka bilaabayaa waxa database-ku yahay, laakiin haddaad front-end soo baratay ayay kaa fududaanaysaa.
Database noocee ah ayaa la isticmaalayaa?
MySQL, waxaana lagu maraa DBeaver. Setup-ka Windows iyo Mac labadaba waa lagu tusayaa.
Intee bay socotaa?
Ku dhawaad saddex saac iyo badh, waana bilaash YouTube-ka.

La xiriira