Waa Maxay DeepSeek? Model-ka Reasoning-ka ah ee Adduunka ka Qaylisiiyay
DeepSeek waa model AI ah oo buuq weyn dhaliyay. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa uu yahay, waxa reasoning models ka duwan yihiin kuwii hore, iyo sida computer-kaaga local-ka ah loogu run-gareeyo.
DeepSeek waa model AI ah oo shirkad Shiinees ah samaysay, kaas oo buuq weyn ka dhaliyay dunida technology-ga. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa uu yahay, waxa uu kaga duwan yahay models-kii hore, iyo sida aad computer-kaaga ugu run-gareyn karto adigoo aan internet u baahnayn.
Video ahaan halkan ka daawo:
Reasoning models: ka fikirid ka hor jawaabta
Models-ku laba nooc ayay yihiin. Kuwii hore, sida GPT-4 caadiga ah, su'aal markaad weydiiso jawaabtu way iska soo tufaysay: shan shan ku dar, toban ayay iska dhahayeen, iyagoon ka fikirin.
Reasoning models-ka cusub, sida DeepSeek R1 iyo o1, intaanay jawaabta ku siin ayay ka fikiraan, sida bini'aadamka oo kale. Waxaad arkaysaa thinking process-ka: "marka hore waxaan u baahanahay inaan isku daro labadan number", su'aalo ayuu isweydiinayaa, mararka qaarna isagaa is-saxaya: "kani ma sax baa mise waa qalad? Maya, qalad ayuu ahaa, kan ayaa sax ah". Kadib markuu thinking-ka dhammeeyo ayuu jawaabta kuu soo saaraa. Taasi waa sababta reasoning models-ku waqti u qaataan.
Maxay dunida uga qaylisiisay?
OpenAI iyo shirkaduhu waxay ku doodi jireen in model noocan ah tababarkiisu u baahan yahay awood aad u xoog badan iyo billions of dollars. Qolada DeepSeek waxay yiraahdeen: keliya waxaan u baahannahay lacag aad uga yar, waliba side project ayuu ahaa, ma ahayn project-ka weyn ee shirkaddu ka shaqaynayso.
Saamayntu waxay ahayd mid taariikhi ah: NVIDIA, shirkadda GPU-yada ugu badan soo saarta, hal maalin ayay suuqa lacag aan hore loo arag ku khasaartay, cinwaannada adduunka oo dhanna arrintan ayaa qabsatay.
Sida computer-kaaga loogu run-gareeyo (Ollama)
Waxa DeepSeek gaar ka dhigaya: waa open source, computer-kaaga ayaad ku run-gareyn kartaa adigoo aan internet iyo API toona u baahnayn. Xogtaaduna meelna uma baxayso: wax walba computer-kaaga ayay ku dhex yaallaan, taasina waa game changer xagga privacy-ga.
Waxaad isticmaalaysaa Ollama, oo loogu talagalay in open source models computer-kaaga lagu run-gareeyo:
ollama run deepseek-r1:8b
Billions-ka maxay yihiin? 1.5B, 7B, 8B iyo 70B waa parameters-ka model-ka lagu tababaray. Waxay ka turjumayaan awoodda computer-kaagu u baahan yahay: haddii VRAM-kaagu yar yahay, 1.5B isticmaal; haddii RAM badan haysato, sida 64GB, 8B iyo wixii ka sarreeyaba waad qaadi kartaa oo response fast ah ayaad helaysaa.
Su'aalo kasta ayaad weydiin kartaa: xisaab, code React ah, aqoon guud. Model-ka 8B oo keliya, code decent ah ayuu kuu qorayaa, isagoo thinking-ka ku tusaya inta uusan qorin.
Su'aalo badanaa la weydiiyo
DeepSeek ma bilaash baa? Open source models-ka, sida R1, computer-kaaga waad ku run-gareyn kartaa lacag la'aan. Hal mar oo keliya ayaad internet ugu baahan tahay markaad soo degsanayso, inta kale isagaa kuu shaqaynaya.
Computer noocee ah ayaan u baahanahay? Model-ka yar (1.5B) computer caadi ah ayuu ku shaqeeyaa. Kuwa waaweyn waxay u baahan yihiin RAM iyo VRAM badan. Ka bilow kan yar, arag sida uu kuugu shaqeeyo.
Reasoning models-ka ma ka fiican yihiin kuwii hore? Su'aalaha adag, sida xisaabta iyo code-ka, haa: is-saxidda iyo thinking-ka ayaa jawaabta hagaajiya. Su'aalaha fudud, kuwii hore ayaa ka degdeg badan.
Tallaabada xigta
Sida LLMs-ku guud ahaan u shaqeeyaan halkan ka akhri: Waa Maxay LLMs?. Haddii aad rabto inaad models-kan wax ku dhisto, AI Engineering Masterclass ayaa Af-Soomaali kuugu dhigaysa, waddada oo dhanna Mentorship-ka Dugsiiye ayaad ka helaysaa.
Mohamud Osman
A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.
More Reading
More like this.
Waa Maxay LLMs (Large Language Models)? Sida ChatGPT iyo Claude u Shaqeeyaan
ChatGPT, Claude, Gemini: dhammaan waa Large Language Models. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa ay yihiin, maxay u yihiin large, sida loo tababaro, iyo sida ay jawaabta kuugu soo saaraan.
Artificial IntelligenceSida Loo Yareeyo Token-ka Claude Code
Waa run in Claude Code limit-kiisa ciyow la gaaro, gaar ahaan haddii aad isticmaasho plans-ka yar-yar sida midka 20-ka dollar ah. Laakiin inta badan caqabadu waxay noqon kartaa sida aad u isticmaasho.
Artificial IntelligenceLLM Models-ka ugu fiican ee coding
Ranking cusub ee LM Arena wuxuu muujinayaa sida ay AI models-ku maanta u kala awood badan yihiin, gaar ahaan dhinaca coding-ka iyo xalinta dhibaatooyinka adag. Waxa ugu yaabka badan waa in 10-ka model ee ugu sarreeya ay si weyn u maamulayaan models-ka shirkadda Anthropic ee Claude Opus.