Software Engineering

Vibe Coding iyo Agentic Coding: Farqiga iyo Afartii Xilli ee Coding-ka

Dad badan ayaa isku qalda vibe coding iyo agentic coding. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa afarta xilli ee uu coding-ku soo maray, farqiga u dhexeeya, iyo goorta mid kasta la isticmaalo.

Vibe Coding iyo Agentic Coding: Farqiga iyo Afartii Xilli ee Coding-ka

Dad badan ayaa isku qalda vibe coding, agentic coding, AI-assisted coding iyo qaabkii hore ee software development-ka loo samayn jiray. Faham-darro xoog leh ayaa ka jirta meeshaas: dadku ma oga muhiimadda mid waliba leeyahay iyo ujeeddada gaarka ah ee uu u jiro. Qoraalkan ayaan ku kala saaraynaa, si aadan isu dhex qaldin oo aadan u odhan "vibe coder ayaan ahay" adigoo aan ogayn waxa aad ka sheekaynayso.

Video ahaan halkan ka daawo:

Afartii xilli ee coding-ku soo maray

Coding-ku afar xilli ayuu soo maray:

  1. Traditional coding: AI intaanu soo bixin ka hor
  2. AI-assisted coding: 2021 iyo wixii ka dambeeyay, xilligii Copilot-ka
  3. Vibe coding: 2024 iyo wixii ka dambeeyay
  4. Agentic coding: xilligan casriga ah ee aan hadda maraynno

Xilligii hore: qofka ayaa wax walba qorayay

Traditional coding-ka, qofka bini'aadamka ah ayaa code-ka qorayay, akhrinayay, test-gareynayay. Tallaabo walba oo aad qaadayso adigaa qori jiray. Waa xilligii la odhan jiray "coding waa wow": dadku way ka cabsan jireen, dadka yaqaannaana qiimo xoog leh ayay lahaan jireen.

Waqtigaas, Stack Overflow ayaad taagnayd, documentation-ka adigaa akhrinayay, error kasta Google ayaad ka raadinaysay. Website-ka Dugsiiye markii ugu horreysay ee WordPress laga u wareejinayo Node.js iyo React, shan ilaa lix bilood ayay qaadatay in backend-ka, frontend-ka iyo wax walba la dhammeeyo. Report keliya saddex maalmood ayaan ka shaqayn jiray.

Xilligii Copilot-ka: AI kaaliye ah

2021-kii waxaa soo baxay AI assistants sida Copilot. Waxaad qoraysaa English: "i qor function laba tiro isku daraya", automatic ayuu kuu qorayaa function dhammaystiran. Wow moment ayay ahayd, magic ayay dadka u ekayd.

Xilligaas, human-ka ayaa qorayay 70 ilaa 80 boqolkiiba code-ka. AI-gu suggestion ayuu ku siinayay, adiguna go'aan ayaad ka gaaraysay: tab inaad dhahdo iyo in kale. Akhrinta iyo hubinta oo dhan adigaa lahaa.

Vibe coding: AI-gaa qoraya, adigu waxaad fiirinaysaa natiijada

Vibe coding-ka, AI-ga ayaa code-ka qoraya. Qofku wax input ah kuma laha, waxa uu keliya u sheegayaa waxa uu rabo: "to-do app ii samee". Kadib waxa uu fiirinayaa natiijada soo baxaysa: website-kii ma soo baxay? Colors-ku sidii aan rabay ma yihiin? Ma ii shaqaynaysaa?

Waxa uusan ka fikirayn: code-kani ma clean baa? Ma secure baa? Package-yada la isticmaalay ma saxan yihiin? Taasi waa sababta aad u aragtay vibe coders badan oo API keys-koodu leak noqdeen iyo applications ay dhibaatooyin culus ka soo baxeen.

Tusaale dhab ah: project vibe coding lagu sameeyay oo aannu aragnay, in ka badan 200 vulnerability ayaa ku jirtay. Application kalena xogtii users-ka oo dhan ayaa bannaanka la keenay, sababtoo ah security lama samayn, vibe ayaa la raacay oo keliya. Marka production-ka aad geyso, adiga iyo nasiibkaaga ayaa la isku halleeyay.

Agentic coding: AI-gaa qoraya, adiguna go'aannada ayaad gaaraysaa

Agentic coding-ka, code-ka aad qoraysaa way yar tahay, 10 boqolkiiba oo kale. Laakiin shaqada ugu badan ee aad qabanaysaa waa review: code-ka uu agent-ku qoray inaad akhrido, library-yada la isticmaalay inaad hubiso, architecture-ka inaad go'aan ka gaarto, security iyo performance-ka inaad fiiriso.

Tusaale ahaan "login ku dar" ayaad tidhaahdaa. AI-gu wuu kuu plan-gareynayaa, wuu kuu qorayaa, test buu kuu samaynayaa. Laakiin qofka bini'aadamka ah ayaa review samaynaya, approve-gareynaya ama diidaya. Shaqada ugu badan ee developer-ku maanta qabto waa taas: code qorista goormay kugu dambaysay? Review-ga ayaa waqtiga qaata.

Goorma mid kasta isticmaalaysaa?

  • Prototype degdeg ah: vibe coding ayaa ugu fiican. Fikrad aad rabto inaad qof ka dhaadhiciso, landing page, UI experiment: agentic waa overkill.
  • Production feature: waa in aad agentic isticmaashaa. Website shaqaynaya sida Dugsiiye oo kale, feature cusub vibe coding kuguma dari kartid: waxa uu sameeyay ma ogid, mana test-gareynin.
  • Big refactor: agent-ka ayaa ugu fiican. Packages cusub loo wareejinayo ama code si qaldan u qornaa la hagaajinayo, manually waad ku daalaysaa.
  • Code-ka barashadiisa: halkan dad badan ayaa ku boodboodaysa. Haddii aad code baranayso, waa bad habit inaad vibe coding ku bilowdo. Copilot style ku soco: adigu manual u bilow, AI-gu ha ku caawiyo. Fundamentals-ka soo baro marka hore, ha ku cararin vibe coding-ka iyo agent-ka. Haddii kale mar walba insecure ayaad ahaanaysaa, project weyn isku qaban kartid, qof kalena ayaad ku tiirsanaanaysaa.

Su'aalo badanaa la weydiiyo

Vibe coder mise agentic coder ayaan noqdaa? Labadaba isla tools-ka ayaa la isticmaalaa, sida Claude Code. Farqigu waa adiga: ma go'aan ayaad gaaraysaa oo code-ka ma hubinaysaa, mise natiijada ayaad fiirinaysaa oo keliya? Shaqo rasmi ah markay timaado, agentic ayaa loo baahan yahay, taasina waxay u baahan tahay in code-ka aad taqaanno.

Manual coding miyuu dhintay? Xilligii wax walba manually loo qori jiray wuu dhammaaday. Laakiin aqoonta code-ka way sii muhiimsan tahay: qofka code-ka yaqaannaa ayaa agent-ka si kalsooni leh ula shaqayn kara, waqti bil kugu qaadan lahaydna laba week ku soo koobi kara.

Tallaabada xigta

Haddii aad rabto inaad agentic coding si dhab ah u barato, Agentic Coding with Claude Code ayaa Af-Soomaali kuugu dhigaysa: workflow-ga Explore, Plan, Code, Commit iyo dhisidda app dhab ah. Aasaaska coding-ka haddii aad ka bilaabayso, Mentorship-ka Dugsiiye ayaa waddada oo dhan kuu maraya. Akhri sidoo kale: Baro Cursor AI iyo Baro Claude Code.

Mohamud Osman

Mohamud Osman

A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.

14
Articles