Wax Walba oo Ku Saabsan Program-ka Full Stack Software Engineer
Sharaxaad
Video-gan waxaan kaga jawaabayaa su'aalaha ugu badan ee laga qabo barnaamijka Full Stack Software Engineer: yaa qaadan kara, maxaa lagu baranayaa, sidee casharrada loo qaadanayaa iyo sidee loo isdiiwaangeliyaa.
Barnaamijku wuxuu ka bilaabmayaa zero. Uma baahnid shahaado IT ah ama aqoon hore. Kombiyuutar aad isticmaali taqaanno iyo internet ayaa ku filan. Casharradu waa duuban si aad waqtigaaga ugu qaadato, laakiin interactivity-gii waa la socdaa: mentors iyo group Discord ah oo su'aalahaaga kaaga jawaaba, celin-bixin joogto ah, iyo in lagu soo daba galo haddaad caajisto. Manhajku wuxuu ka koobanyahay toddoba qaybood. Web development essentials: HTML, CSS, Git iyo GitHub, JavaScript. Front-end: React, components, hooks, state management iyo performance. Back-end: databases, APIs, SQL iyo NoSQL. Kadib waxaad isku xirayaa full-stack application oo secure authentication leh. Mobile app development-ka React Native ayaan ku qaadanaynaa. Ugu dambayn advanced full stack iyo AI development: Next.js, TypeScript, GraphQL, LLMs open source ah iyo kuwa closed-ka ah, AI agents iyo fine-tuning. Waxaan sidoo kale qaadaynaa CI/CD, Docker, cloud-ka iyo saarista App Store-ka.
Waxaan kaa rabnaa toddobaadkii ugu yaraan toban saac.
English summary
A 20-minute Somali-language (Af-Soomaali) walkthrough of Dugsiiye's Full Stack Software Engineer programme, answering the questions people ask most: who can take it, what is covered, how the lessons work and how to enrol. The programme starts from zero and needs no IT degree, only a computer and an internet connection. Lessons are pre-recorded so learners set their own schedule, with mentors, a Discord group, continuous feedback and follow-up if someone falls behind. The curriculum runs seven parts: web essentials (HTML, CSS, Git and GitHub, JavaScript); front-end React with components, hooks, state management and performance; back-end databases and APIs across SQL and NoSQL; a full-stack build with secure authentication; mobile apps with React Native; advanced full stack and AI with Next.js, TypeScript, GraphQL, open and closed LLMs and agents; then CI/CD, Docker, cloud deployment and App Store publishing. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Shuruudaha laga rabo qofka bilaabaya barnaamijka
- Aasaaska web-ka: HTML, CSS, Git, GitHub iyo JavaScript
- Front-end React: components, hooks iyo state management
- Back-end: databases, APIs, SQL iyo NoSQL
- Isku xiridda full-stack application oo secure authentication leh
- Mobile app development-ka React Native
- Advanced full stack, AI development, CI/CD iyo Docker
Cutubyada
- 0:00Hordhaca barnaamijka Full Stack Software Engineer Af Soomaali
- 2:44Shuruudaha laga rabo qofka bilaabaya Af Soomaali
- 5:28Fursadaha shaqo ee barnaamijkan ka dib Af Soomaali
- 6:46Manhajka barnaamijka iyo heerarka waxbarasho Af Soomaali
- 10:00Advanced Full Stack, Mobile iyo AI Development Af Soomaali
- 12:00Muhiimadda maareynta waqtiga ardayga Af Soomaali
- 13:34Habka casharrada loo qaadanayo iyo mentorship-ka Af Soomaali
- 16:30Qiimaha barnaamijka, Plans-ka iyo Discount-ka Af Soomaali
- 18:00Habka isdiiwaangelinta iyo bixinta lacagta Af Soomaali
- 20:12Su'aalaha guud iyo xiriirka Dugsiiye Af Soomaali
Su'aalo
- Ma qaadan karaa haddaanan kulliyad IT ka bixin?
- Haa. Waxa lagaa rabaa kombiyuutar aad isticmaali taqaanno iyo internet. Wax kale waan ku barayaa.
- Waqti intee le'eg ayaa la iga rabaa?
- Ugu yaraan toban saac toddobaadkii. Haddaad ka yar heli karto way adkaanaysaa inaad ka faa'iidaysato.
- Casharradu ma live ayay yihiin?
- Duuban ayay yihiin, laakiin mentors iyo group Discord ah ayaa jira oo su'aalahaaga kaaga jawaaba.


