Waa Maxay AI Agent ?
Sharaxaad
Cashar ka mid ah taxanaha AI ee Dugsiiye, waxaanan ku sharraxayaa waxa uu yahay AI agent iyo farqiga u dhexeeya isaga iyo chatbot-ka. Waxaan ugu talagalay qof kasta oo maqlay ereyga agent oo doonaya inuu si sax ah u fahmo.
AI agent waa software shaqada aad u dirtay kuu qabanaya ilaa uu dhammeeyo. Waxa awoodda siinaya waa tools. Model-ku keligiis, ha ahaado Claude ama GPT, ma noqon karo agent. Tools-ku waa gacmaha uu wax ku qabto: raadinta internet-ka, akhrinta faylasha kombiyuutarkaaga, click siinta, qorista document, iyo hubinta natiijada. Agent wuxuu lahaan karaa boqol tool ama ka badan. Farqiga waa kan: chatbot-ka hal su'aal ayaad weydiinaysaa, hal jawaabna wuu ku siinayaa. Agent-ku goal ayaad siinaysaa. Tusaale, hadiyad hooyadaa aad siiso oo qiimaheedu xaddidan yahay ayaad ka codsanaysaa: wuxuu suuqa aadayaa, websaydyo badan booqanayaa, isbarbardhig sameynayaa, kadibna wuxuu keenayaa midka ugu macquulsan.
Waxaan sharraxayaa loop-ka: shaqo, tool, natiijo, hubin, kadibna dib u laabasho ilaa jawaabta la gaaro. Ugu dambayn waxaan kuu kala saarayaa goorta chatbot lagu filan yahay iyo goorta agent lagama maarmaan ku noqonayo, sida shaqooyinka multi-step ah iyo kuwa verification u baahan.
English summary
A 9-minute Somali-language (Af-Soomaali) explainer from Dugsiiye on what an AI agent is and how it differs from a chatbot. It defines an agent as software that keeps working until the task you gave it is finished, and explains that tools are what turn a model into an agent: web search, reading local files, clicking, writing documents and verifying results. A chatbot answers one question once; an agent takes a goal, for example finding a gift under a set budget, then searches, compares sites and returns the best option. The video walks through the agent loop of act, call a tool, check the result and repeat, then gives practical rules for when a chatbot is enough and when a multi-step or verification task needs an agent. Part of the Dugsiiye AI series, free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Qeexidda AI agent-ka iyo waxa uu ka duwan yahay chatbot-ka
- Doorka tools-ka iyo sida ay awoodda u siiyaan agent-ka
- Sida loop-ka agent-ku u wareego ilaa shaqadu dhammaato
- Tusaalayaal isticmaal oo real ah sida raadinta hadiyad ama dalab
- Goorta chatbot lagu filan yahay iyo goorta agent loo baahan yahay
- Waxa memory-gu ugu taro kalsoonida agent-ka
Cutubyada
- 0:00Waa Maxay AI Agent? Af Soomaali
- 1:10Doorka Tools-ka ee AI Agent Af Soomaali
- 2:00Farqiga u Dhexeeya Chatbot iyo Agent Af Soomaali
- 4:00Sida Loop-ka AI Agent u Shaqeeyo Af Soomaali
- 5:29Tusaalooyinka Isticmaalka AI Agent Af Soomaali
- 7:14Goorta La Isticmaalo Chatbot ama AI Agent Af Soomaali
- 9:14Gabagabo iyo Casharka Xiga Af Soomaali
Su'aalo
- Agent ma isticmaali karaa hadda?
- Haa. Claude ama ChatGPT waad ku tijaabin kartaa shaqo multi-step ah, sida raadin iyo isbarbardhig.
- Ma u baahanahay inaan coding aqaanno?
- Maya. Casharkani waa mid faham ah. Dhisidda agent-ka video gooni ah ayaa loo qaadanayaa.
- Muxuu yahay casharka xiga?
- Sida aad adigu u dhisan lahayd agent multi-step ah oo suuq baara kadibna jawaab kuu soo celiya.


