Tips And Tricks GPT-Astra Sidee 3D Projects-kan Iigu Dhisay

AI News & Reviews35 daqiiqo13 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogii hore waxaan idin tusay saddex project oo 3D ah ee aan GPT-6 Astra ku dhisay, markan waxaan idinla wadaagayaa prompt-yada, qalabka iyo habka aan u maray. Fikradaha waxaan ka soo qaatay website la yiraahdo motionsites.ai. Kadib sheeko waxaan la bilaabay ChatGPT, hase yeeshee fikradihiisu ima qancin, markaa isla chat-kii waxaan u wareejiyay Claude. Asagaa ii soo bandhigay dhowr option, waxaanan doortay espresso machine-ka, waxaanan ku dhahay Three.js iyo GSAP ku dhis. Wuxuu ii qoray prompt buuxa oo sagaal step ah, aniga hal xaraf ma qorin. Prompt-kaas waxaan u dhiibay Codex, hal mar oo keliya ayuu ku dhammeeyay.

Khariidadda Muqdisho ayaa ugu adkayd. Google Maps data-diisa meel kale kuma isticmaali kartid, markaa Claude wuxuu iigu taliyay OpenStreetMap oo free ah. Su'aalo badan ayuu i weydiiyay ka hor intaanu prompt-ka qorin: building footprints mise hand-modeled landmarks, flyover mise street walk, desktop mise mobile, budget-kuna waa intee. Wax walba kumbuyuutarkayga ayaan ku hayaa: Postgres, Docker iyo data-da raw ah. Model yar oo raqiis ah ayaan ku xiray routing-ka iyo raadinta meelaha. Codex 20 daqiiqo ayuu shaqeeyay, Playwright-na wuu isticmaalay si uu browser-ka isugu hubiyo.

Website-ka juice-ka si kale ayuu u shaqeeyaa: scroll kasta wuxuu daarayaa video cusub oo GSAP ku xiran, clip-yadana waxaa soo saaray Seedance 2.5 ee ay ByteDance leedahay, anigoo last frame u isticmaalaya si ay isugu raacaan. Waa qaali: hal website wuxuu igu kacay ku dhawaad shan iyo toban doolar. Waxaan rajaynayaa inaad wax ka faa'iidaysateen, qaybta comments-ka iiga sheega.

English summary

A 36-minute Somali-language (Af-Soomaali) build breakdown from Dugsiiye, the follow-up to the GPT-6 Astra demo. Mohamed walks through exactly how the three 3D projects were made: hunting ideas on motionsites.ai, taking a rejected ChatGPT conversation over to Claude, letting Claude interrogate him and write the full nine-step prompt, then handing that prompt to Codex and getting a one-shot result. He explains when a medium reasoning level is enough and when backend or money logic demands a higher one. The Mogadishu map section covers OpenStreetMap instead of Google Maps, the local Postgres and Docker setup, a cheap small model wired in for routing and place search, and Playwright browser verification. He closes with Seedance 2.5 video generation, last-frame chaining, GSAP scroll and the real costs. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Sida fikradda website loo raadiyo kadibna Claude loogu beddelo prompt buuxa
  • Kala doorashada reasoning-ka: goorma medium ku filan tahay, goormana high loo baahan yahay
  • One-shot prompting: qorshaha diyaarsan oo Codex loo dhiibo
  • OpenStreetMap oo lagu beddelo Google Maps si aad data real ah u hesho
  • Diyaarinta data-da Muqdisho: Postgres, Docker iyo shubidda footprints-ka
  • Ku xirista model yar oo raqiis ah routing-ka iyo autocomplete-ka
  • Seedance 2.5, last frame-ka iyo kharashka video generation-ka

Cutubyada

Su'aalo

Miyaad koodh gacan ku qortay?
Maya. Claude ayaa qorshaha iyo prompt-ka ii diyaariyay, Codex-na wuu fuliyay. Aniga waxaan qabtay doorashooyinka, hubinta iyo wixii wax laga beddelayo.
Khariidadda Muqdisho data-deeda xagee laga helay?
OpenStreetMap, oo free ah oo open source ah. Waxaa ku jira ku dhawaad 426,000 oo building footprints, 12,000 oo road segments iyo 22 isbitaal oo diiwaangashan. Wax walba kumbuyuutarkayga ayaan ku shubay, model yar oo raqiis ah ayaana routing-ka iyo raadinta meelaha qabanaya.
Videoyada website-ka juice-ka intee bay ku kaceen?
Seedance 2.5 waa qaali. Clip-yada iyo retry-gii aan sameeyay wuxuu igu kacay ku dhawaad shan iyo toban doolar oo website-kaas oo keliya ah. Haddii aad qof shaqada u qabanaysid waa kharash yar, laakiin baashaal looma sameeyo.

La xiriira