Ku Baro Python Af Somali | Python Af Soomaali Full Course

Full Courses3 saac 27 daqiiqo23 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Koorso Python ah oo dhammaystiran oo Af-Soomaali ah. Waxaa qaadan kara qof kasta oo raba inuu programming barto, iyo qofkii horeba u yaqaannay JavaScript, Java ama C++ oo hadda doonaya inuu Python ku daro.

Waxaan ka billaabayaa waxa uu yahay Python: luqad high-level ah oo interpreted ah, waxaanan isbarbardhigayaa interpreter-ka iyo compiler-ka. Kadib waxaan sharraxayaa meelaha loo isticmaalo: web development-ka Django iyo Flask, data science iyo machine learning oo NumPy, Pandas, scikit-learn, TensorFlow iyo PyTorch ku shaqeeyaan, automation, scripting iyo scientific computing. Qaybta gacanta waxaan ka billaabayaa ku shubidda Python iyo VS Code, kadibna variables iyo data types, operators, control flow oo if, else iyo elif ah, loops, list comprehensions, iyo data structures: lists, tuples, sets iyo dictionaries. Waxaan sii wadayaa string manipulation iyo formatting, functions iyo lambda, modules iyo packages, akhrinta iyo qorista faylasha, iyo error handling try iyo except ah.

Qaybta ugu dambaysa waa object-oriented programming. Waxaan si faahfaahsan u qaadayaa abstraction, encapsulation, inheritance iyo polymorphism, oo mid walba lagu raaciyo tusaale code ah. Koorsadu waa saddex saac iyo bar, waxaanan ka bilaabayaa bismillaah si qofka aan waxba aqoonin uu ula socdo.

English summary

A 3-hour 27-minute Somali-language (Af-Soomaali) Python course from Dugsiiye, suitable both for complete beginners and for developers coming from JavaScript, Java or C++. It starts with what Python is, how an interpreted language differs from a compiled one, and where Python is used: web development with Django and Flask, data science and machine learning with NumPy, Pandas, scikit-learn, TensorFlow and PyTorch, automation and scripting. It then installs Python and VS Code and works through variables and data types, operators, if/else/elif, for and while loops, list comprehensions, lists, tuples, sets and dictionaries, string formatting, functions and lambdas, modules and packages, file input and output, and try/except error handling. The final third covers object-oriented programming: abstraction, encapsulation, inheritance and polymorphism. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Waxa uu yahay Python iyo farqiga u dhexeeya interpreter-ka iyo compiler-ka
  • Ku shubidda Python iyo VS Code
  • Variables, data types iyo operators-ka Python
  • Control flow, loops iyo list comprehensions
  • Data structures: lists, tuples, sets iyo dictionaries
  • Functions, lambda, modules iyo file input/output
  • Object-oriented programming: abstraction, encapsulation, inheritance iyo polymorphism

Cutubyada

Su'aalo

Python miyaa luqadda ugu horreysa ee la barto?
Haa, waa mid ka mid ah kuwa ugu fudud, maadaama syntax-kiisu u dhow yahay Ingiriisiga.
Ma u baahanahay kombiyuutar xoog leh?
Maya. Kombiyuutar caadi ah iyo VS Code ayaa ku filan, casharkana ku shubidda ayaan ku tusayaa.
Maxaan sameeyaa koorsadan ka dib?
Ku raac tababarro yaryar oo aad naftaada u qorto, sida script automation ah ama project data analysis ah.

La xiriira