Baro Claude Code Af Soomaali Full Course | Skills | Agents Iyo MCP
Sharaxaad
Koorsadan waxaan ku barayaa Claude Code laga bilaabo install-ka ilaa skills, agents iyo MCP, waxaana loogu talagalay developer-ka iyo qof kasta oo doonaya inuu shaqadiisa maalmeedka AI ku fuliyo. Marka hore waxaan ku tusayaa sida loogu shubto Mac iyo Windows, kadibna afarta qaab ee loo isticmaali karo: web-ka, desktop app-ka, VS Code extension-ka iyo terminal-ka.
Kadib waxaan galayaa waxyaalaha shaqada kuu badbaadinaya. /context ayaad ku arkaysaa meesha token-nadaadu ku baxayaan, /model-na waxaad ku dooranaysaa model-ka shaqada ku habboon. Rewind iyo resume, cod iyo sawirro, permissions-ka iyo auto mode, memory-ga project-ka iyo kan user-ka, dhammaantood waan dul marayaa. Qaybta ugu xiisaha badan waa skills-ka: sida loo sameeyo, sida loo raadiyo oo loo soo dejiyo, iyo goorta Claude-ku u yeedho.
Ugu dambayn waxaan ku tusayaa hooks-ka iyo sound notifications-ka, sub-agents-ka iyo sida shaqooyinka loogu qaybiyo, kadibna MCP oo ah Model Context Protocol. Waxaan ku xiray Google Calendar iyo Notion, waxaanan sameeyay board content ah ee isagu qoray, sidoo kale browser automation Claude in Chrome ah. Casharku waa laba saac, wuxuuna ku siinayaa tips iyo tricks aan intii aan isticmaalayay ka bartay. Meesha aad u baahan tahay ayaad ka bilaabi kartaa, sababtoo ah qaybahu waa kala go'an yihiin.
English summary
A two-hour Somali (Af-Soomaali) full course on Claude Code from Dugsiiye. It starts with installation on macOS and Windows and the four ways to use the tool: the web, the desktop app, the VS Code extension and the terminal. It then covers the CLI commands that matter day to day, managing context and tokens with /context, switching models with /model, rewind and resume, voice and image input, permissions and auto mode, and project and user memory. The second half is agentic: building and finding skills, hooks and sound notifications, creating sub-agents, and MCP, including Google Calendar and Notion connectors and browser automation with Claude in Chrome. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- Sida Claude Code loogu shubto Mac iyo Windows
- Afarta qaab ee loo isticmaali karo Claude Code
- Maaraynta context-ka iyo token-nada (/context)
- Sameynta skills-ka iyo sida loo helo
- Isticmaalka hooks-ka iyo sound notifications-ka
- Abuurista sub-agents iyo qaybinta shaqooyinka
- Ku xiridda MCP: Google Calendar iyo Notion
Cutubyada
- 0:00Hordhaca Kooraska iyo Isticmaalka Claude Code Af Soomaali
- 3:35Qiimaha iyo Qorshayaasha Claude (Pricing Plans) Af Soomaali
- 4:15Sida loo install-gareeyo Claude Code (Mac & Windows) Af Soomaali
- 6:15Afar qaab oo loo adeegsado Claude Code Af Soomaali
- 9:00Ku shaqaynta Claude Desktop App iyo Preview-ga Af Soomaali
- 15:00Isticmaalka Whiteboard-ka iyo Tafatiraadda Code-ka Af Soomaali
- 21:00Sida loogu dhex isticmaalo VS Code (Extension) Af Soomaali
- 23:30Ku dhex shaqaynta CLI-ga iyo Amarrada Muhiimka ah Af Soomaali
- 27:00Fahamka Context-ga iyo Token-yada (/context) Af Soomaali
- 31:55Maamulista Model-ada kala duwan (/model) Af Soomaali
- 39:00Isticmaalka Rewind iyo Resume (/rewind & /resume) Af Soomaali
- 43:00Isticmaalka Codka (Voice) iyo Sawirrada (Images) Af Soomaali
- 48:21Maamulista Permissions-ka iyo Auto Mode Af Soomaali
- 50:44Fahamka Memory-ga (Project & User Memory) Af Soomaali
- 59:30Barashada Skills-ka iyo Sida loo Sameeyo Af Soomaali
- 1:09:00Raadinta iyo Soo Degsashada Skills-ka (Find Skill) Af Soomaali
- 1:17:22Isticmaalka Hooks-ka iyo Sound Notifications Af Soomaali
- 1:25:02Sameynta iyo Adeegsiga Sub-Agents Af Soomaali
- 1:39:23Hordhaca MCP (Model Context Protocol) Af Soomaali
- 1:42:00Isku-xirka Google Calendar iyo Notion (Connectors) Af Soomaali
- 1:54:00Tusaale: Browser Automation iyo Testing (Claude in Chrome) Af Soomaali
- 1:57:00Gunaanadka iyo Gabagabada Kooraska Af Soomaali
Su'aalo
- Ma bilaash baa Claude Code?
- Casharku waa bilaash YouTube-ka, laakiin Claude Code wuxuu u baahan yahay account subscription leh. Free-ga waxyaalaha casharka lagu sharxay kuma isticmaali kartid.
- Ma u baahanahay khibrad coding ah?
- Faa'iidada ugu badan waxaa helaya qofka code-ka fahmaya, laakiin qaybaha automation-ka iyo MCP-ga qof kastaa wuu ka faa'iidaysan karaa.
- Intee bay socotaa koorsadu?
- Laba saac, waxaana loo qaybiyay in ka badan labaatan qaybood.


