Waa Maxay LLMs | Large Language Models | AI #3

Taxanaha AI18 daqiiqo10 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Kani waa muuqaalka saddexaad ee taxanaha AI, waxaanan ku sharraxayaa sida LLMs-ku u shaqeeyaan. Waxaan ugu talagalay developer-ka iyo qof kasta oo maqlay Large Language Models oo doonaya faham sax ah.

LLM waa system AI ah oo lagu tababaray data qoraal ah oo aad u badan, kaas oo fahmaya oo soo saari kara qoraal bini'aadam u eg. Waxaan sharraxayaa saddexda dimension ee uu large ku noqday: cabbirka training data-da oo trillions of words ah, tirada parameters-ka laga bilaabo GPT-1 ilaa GPT-4, iyo computational scale-ka oo GPU-yo aad u badan iyo bilo shaqo ah qaadanaya. Kadib waxaan qaadayaa foundation models: hal tool oo shaqooyin badan qabta, halkii hore mid walba shaqo gooni ah u qaban jiray. Waxaan sharraxayaa Transformer-ka iyo attention mechanism-ka anigoo tusaale u soo qaadanaya miis toban qof ku fadhiyaan.

Waxaan kala saarayaa laba marxaladood oo training ah: pre-training oo internet-ka oo dhan la siiyo, iyo fine-tuning oo lagu daro aqoon ama dabeecad gaar ah. Waxaan sharraxayaa auto-regressive generation: model-ku hal eray ayuu mar walba saadaaliyaa, taasina waa sababta streaming-ku u jiro. Ugu dambayn waxaan isbarbardhigayaa open source iyo closed source: cost, performance, privacy iyo maintenance, iyo goorta mid walba loo doorto.

English summary

The third video in Dugsiiye's Somali-language (Af-Soomaali) AI series, an 18-minute explanation of how large language models work. It defines an LLM, then breaks down the three dimensions that make it 'large': training data measured in trillions of words, parameter counts from GPT-1 through GPT-4, and the computational scale of thousands of GPUs over months. It explains foundation models as one tool that handles many tasks, the Transformer and attention mechanism through a dinner-table analogy, and the two training phases of pre-training and fine-tuning, using Claude's coding strength and ChatGPT's conversational strength as examples. It then covers auto-regressive generation one word at a time and why responses stream, context limits and response variability, and closes by comparing open-source and closed-source models on cost, performance, privacy and maintenance. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Qeexidda LLM-ka iyo waxa ka dhigaya mid large ah
  • Training data, parameters iyo computational scale
  • Waxa ay yihiin foundation models
  • Transformer-ka iyo attention mechanism-ka
  • Farqiga u dhexeeya pre-training iyo fine-tuning
  • Auto-regressive generation iyo sababta streaming-ku u jiro
  • Goorta open source loo isticmaalo iyo goorta closed source

Cutubyada

Su'aalo

Ma daawadaa casharrada hore?
Waa fiican tahay. Muuqaalka koowaad waa maxay AI, kan labaadna waa maxay AI engineer.
Aniga ma train-gareyn karaa model?
Model weyn wuxuu u baahan yahay GPU-yo badan iyo lacag xooggan. Laakiin models open source ah waad ku fine-tune samayn kartaa data-daada.
Kee ayaan ka bilaabaa, API mise open source?
API-ga ka bilow inta aad baranayso. Marka baahida volume-ka ama privacy-du timaaddo, open source-ka u gudub.

La xiriira