Baro Isticmaalka Claude.ai | Claude CoWork , Claude Design Iyo Clude Code | Claude AI Af Soomaali

Claude Code & Agentic58 daqiiqo18 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Crash course Claude.ai ah oo aan ugu talagalay qof kasta oo professional ah: coder, designer, macallin ama qof hay'ad u shaqeeya. Waxaan kaaga hadlayaa saddexda interface ee Claude: Claude-ka caadiga ah, Claude Co-Work oo kombiyuutarkaaga shaqada kaaga qabta, iyo Claude Code oo dadka coders-ka ah isticmaalaan.

Waxaan ku billaabayaa is-diiwaangelinta, plans-ka jira, app-ka desktop-ka, extension-ka Chrome iyo mobile app-ka. Kadib waxaan sharraxayaa models-ka kala duwan, Opus, Sonnet iyo Haiku, iyo goorta mid walba loo isticmaalo. Waxaan si toos ah u tijaabinayaa voice mode-ka, waxaanan dul marayaa settings-ka, projects-ka iyo artifacts-ka oo aan ku sameeyay presentation iyo app quiz ah.

Qaybta Co-Work waxaan ku tusayaa tusaalayaal real ah: inuu duulimaadka ugu raqiisan iga soo raadiyo Kuala Lumpur ilaa Muqdisho, inuu YouTube shaqo iga qabto, iyo inuu files-ka kombiyuutarkayga ii nidaamiyo. Claude Design waxaan ku sameeyay mockup app voice assistant ah, kadibna waxaan u wareejiyay code, PDF iyo formats kale. Ugu dambayn Claude Code ayaan ka soo galay VS Code extension-ka, waxaanan ku beddelay sawir iyo qayb ka mid ah bogga websaydka. Qofkii doonaya inuu Claude si buuxda u isticmaalo, halkan ka bilow.

English summary

A 58-minute Somali-language (Af-Soomaali) crash course from Dugsiiye on using Claude.ai end to end. It covers signing up, the plan tiers, the desktop app, the Chrome extension and the mobile app, then explains the Opus, Sonnet and Haiku models and when to pick each. It demonstrates voice mode live, settings, Projects and Artifacts by building a presentation and a quiz app, and then walks through Claude Co-Work doing real tasks on the presenter's own machine: finding the cheapest flight from Kuala Lumpur to Mogadishu, working inside YouTube, and organising local files. It ends with Claude Design producing a voice-assistant app mockup and Claude Code updating a live website through the VS Code extension. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Sida Claude.ai loo isdiiwaangeliyo iyo plans-ka jira
  • Farqiga u dhexeeya Opus, Sonnet iyo Haiku iyo goorta mid walba loo isticmaalo
  • Isticmaalka voice mode-ka iyo settings-ka Claude
  • Maamulka Projects-ka iyo abuurista Artifacts sida presentation iyo app quiz ah
  • Claude Co-Work oo kombiyuutarkaaga shaqo kaaga qabanaya
  • Claude Design oo mockup app-ka kuu sameeya
  • Claude Code oo VS Code extension-ka lagaga isticmaalo websayd la beddelayo

Cutubyada

Su'aalo

Claude.ai ma isticmaali karaa anigoo Soomaaliya jooga?
Haa, Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska waddamada la taageero. Video gooni ah ayaan arrintaas kaga hadlay.
Ma u baahanahay inaan developer ahaado?
Maya. Qaybaha Co-Work iyo Design qof kasta oo shaqeeya wuu ka faa'iidaysan karaa; Claude Code ayaa u gaar ah coders-ka.
Intee ku dheer yahay video-gu?
Ilaa 58 daqiiqo, waana crash course guud. Tool walba video gooni ah ayaa u socda.

La xiriira