Claude Code waa available Hada Somalia | Claude AI Af Soomaali
Sharaxaad
War farxad leh oo aan la wadaagayo asxaabta Soomaaliyeed: Claude.ai hadda si toos ah ayaa looga isticmaali karaa Soomaaliya. Video-gan waa mid gaaban oo aan ugu talagalay qof kasta oo doonayay inuu isticmaalo mid ka mid ah models-ka ugu wanaagsan dunida, gaar ahaan qaybta coding-ka iyo shaqada professional-ka ah.
Waxaan sharraxayaa sida arrintu u dhacday. Bishii Abriil ayaan video soo dhigay oo aan ku codsanayay in Anthropic ay Soomaaliya noo furto, maadaama regulations-ka lagu xirnaa. Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa qayb weyn ka qaadatay, maareeyaha Mustafa Yaxye Sheekh ayaana bartiisa ku sheegay inay wadahadal la sameeyeen Anthropic. Hadda Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska waddamada la taageero. Waxaan xusuusinayaa in shan sano ka hor sidoo kale la furay adeegyada Apple iyo iCloud ee Soomaaliya. Waxaan codsanayaa in hay'adaha ku shaqada leh ay xoog saaraan banking system-ka, si dhalinyarada online-ka ka shaqaysata ay lacagahooda waddanka gudihiisa ugu heli karaan.
Ugu dambayn waxaan sheegayaa in saddexdii sano ee la soo dhaafay aan Claude isticmaalayay, websaydka dugsiiye.com-na aan isaga ku dhisay. Maalmaha soo socda waxaan idinla wadaagi doonaa sida loo isticmaalo iyo tips-kiisa.
English summary
A short Somali-language (Af-Soomaali) announcement from Dugsiiye that Claude.ai is now directly available in Somalia. It explains how the change came about: an earlier video asking Anthropic to open access, the National Communications Authority (NCA) taking the case up with the company, and Somalia appearing on Anthropic's supported-countries list. The presenter compares it to Apple and iCloud opening for Somalia five years earlier, and calls on the relevant authorities to do the same work on the banking system so young people working online can receive their earnings inside the country. He also notes that he has used Claude for three years and built the dugsiiye.com website with it, and promises follow-up videos on how to use it. Runs about two and a half minutes. Free on YouTube.
Waxaad ku baranaysaa
- In Claude.ai hadda laga isticmaali karo Soomaaliya
- Doorka Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ee arrinta
- Sida loo hubiyo liiska waddamada la taageero ee Anthropic
- Baahida loo qabo hagaajinta banking system-ka
- Waxa Claude ugu fiican yahay coding-ka iyo shaqada professional-ka ah
Cutubyada
Su'aalo
- Ma is-diiwaangelin karaa anigoo Soomaaliya jooga?
- Haa. Soomaaliya waxay hadda ku jirtaa liiska waddamada la taageero ee Anthropic.
- Maxaan ugu isticmaali karaa Claude?
- Coding-ka, qorista, falanqaynta iyo shaqada maalinlaha ah. Crash course buuxa ayaa kanaalka ku jira.
- Lacag ma leedahay?
- Qayb bilaash ah ayuu leeyahay, sidoo kalena plans lacag ah ayuu leeyahay. Video-ga crash course-ka ayaan kaga hadlay.


