Waa Maxay Artificial Intelligence ? Baro AI Af Soomaali | AI #1

Taxanaha AI21 daqiiqo11 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Kani waa muuqaalkii ugu horreeyay ee taxanaha AI ee Dugsiiye, waxaana loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu aasaaska AI-ga si sax ah u fahmo isagoo aan hore wax badan u aqoon.

Waxaan ka billaabayaa qeexidda: artificial intelligence waa caqli macmal ah oo lagu ekaysiiyay caqliga bini'aadamka. Kadib waxaan kala saarayaa saddexda heer: Narrow AI oo ah meesha hadda aan joogno, AGI, iyo super intelligence oo aanan aaminsanayn inay dhici doonto. Waxaan idinla marayaa taariikhda AI-ga marxalad marxalad. Rule-book era-dii 1950-kii oo wax walba xeer ku qornaa oo edge cases-ka aan la soo koobi karin. Expert system era-dii 1980-kii oo aqoonta khubarada mishiinka la geliyay, sida MYCIN iyo XCON. Machine learning revolution-kii 2000-ka oo spam-ka email-ka lagu bartay pattern-ka. Iyo deep learning-kii 2010-ka oo sawirrada layer layer loogu jajabiyo edges, shapes ilaa aqoonsi.

Kadib waxaan gelayaa Generative AI iyo Large Language Models: farqiga u dhexeeya model gaar ah oo hal shaqo qabta iyo hal model oo shaqooyin badan qabta. Waxaan sharraxayaa attention mechanism-ka anigoo tusaale u soo qaadanaya miis toban qof ku fadhiyaan. Ugu dambayn waxaan qaadayaa supervised, unsupervised iyo reinforcement learning, iyo limitations-ka hadda jira sida hallucinations, context limit-ka iyo training cut-off-ka.

English summary

The first video in Dugsiiye's Somali-language (Af-Soomaali) AI series, a 21-minute foundation lesson for anyone who wants to understand artificial intelligence properly. It defines AI, separates narrow AI from AGI and super intelligence, and then walks the whole history: the 1950s rule-book era and why hand-written rules could not handle real-world edge cases, the 1980s expert systems such as MYCIN and XCON, the machine learning revolution of the 2000s explained through email spam detection, and the deep learning era where images are broken into edges, shapes and features. It then covers generative AI and large language models, the shift from one model per task to one model for many tasks, and the attention mechanism. It closes with supervised, unsupervised and reinforcement learning and today's limits: hallucinations, context limits and training cut-offs. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Qeexidda artificial intelligence iyo waxa laga wadaa
  • Farqiga u dhexeeya Narrow AI, AGI iyo super intelligence
  • Marxaladihii AI-gu soo maray laga bilaabo rule-book era-da
  • Sida machine learning-ku pattern uga barto data-da
  • Deep learning iyo sida sawirka layer layer loo kala jajabiyo
  • Generative AI, LLMs iyo attention mechanism-ka
  • Supervised, unsupervised iyo reinforcement learning

Cutubyada

Su'aalo

Ma u baahanahay aqoon coding ah?
Maya. Casharkani waa theory aasaas ah, qof kastana wuu fahmi karaa.
Muuqaalkan ma bilaash baa?
Haa, waa bilaash YouTube-ka, waana ilaa 21 daqiiqo.
Muxuu yahay casharka xiga?
Waa maxay AI engineer, kadibna waa maxay LLMs. Taxanuhu wuu socdaa.

La xiriira