Jaamacad Hadhigan Adiga oo Video-gaan Daawan

Kale9 daqiiqo9 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan waxaan kaga hadlayaa warka meel walba laga maqlayo ee ah in software engineering-ku dhintay, AI-guna uu wax walba la wareegayo. Mar kasta oo aan muuqaal soo geliyo, qof ayaa comment-iga iigu qora: Ustaad, jaamacad ayaan bilaabayaa, maxaan sameeyaa? Dadku waa jahawareersan yihiin. Talada aan siiyo qofka Soomaaliya jooga waa tan: haddaad rabto inaad hay'ad ka shaqayso, jaamacadda dhigo, sababtoo ah shaqada markaad codsanayso inta badan waxaa lagu weydiiyaa shahaado ma haysataa. Laakiin part time ka dhig, full time ha aadin, si tamartaada iyo waqtigaaguba ugu haraan xirfad real ah. Haddaad rabto inaad freelance ahaato ama wax adiga kuu gaar ah dhisto, shahaadadu wax badan kuuma soo kordhinayso. Haddii jaamacaddaadu bixiso machine learning, dooro, IT-da caadiga ahna ha aadin.

Qofka fahamsan sida system-ku u shaqeeyo, database-ka, back end-ka, front end-ka, deployment-ka, scaling-ka iyo security-ga, markuu AI isticmaalo wuxuu u dhigmaa boqol qof. Qofka aan fahamsanayn waa hal qof, waa vibe coder aan ka gudbi karin page-kan ii samee. Dad baa laba sano bannaanka fadhiyay iyagoo sugaya in AI-gu la wareego, weli mana la wareegin. Baro waxaad baran karto meel kasta oo aad ka heli karto, qasab ma aha Dugsiiye ama jaamacad gaar ah. Fundamentals-ka baro, laakiin laba sano looma baahna, annaguna barnaamijkayaga lix bilood ayaan ka dhignay.

Aniga maalin walba features ayaan ship gareeyaa anigoo AI-ga ka faa'iidaysanaya, waxa ii saacidayna waa inaan fahamsanahay sida wax u shaqeeyaan. Waxaad jeceshahay baro, hadalka dadkuna yaanu ku joojin. Aragtidiinna comment-ga igula soo wadaaga. Aad baad u mahadsantihiin.

English summary

A nine-minute Somali-language (Af-Soomaali) talk from Dugsiiye on the question students keep asking: is software engineering dead now that AI is taking over everything? Mohamed gives university advice for Somalia, where employers often ask for a degree: if you want to work for an institution, study, but go part time so you keep the energy and time to build real skills, and if you only plan to freelance or build your own thing, the degree matters less. Where a university offers machine learning, he says to pick it over plain CS or IT. His core argument is that someone who understands databases, back end, front end, deployment, scaling and security is worth a hundred people with AI, while a vibe coder stays one person. He closes on learning fundamentals wherever you can, why it no longer takes two years, and how he ships features daily with AI. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Sababta warka ah in software engineering-ku dhintay uu dadka u jahawareeriyay
  • Goorma jaamacaddu muhiim tahay qofka Soomaaliya jooga iyo goorma ay ka yar tahay
  • Sababta jaamacadda part time looga dhigo, full time-na looga fogaado
  • Machine learning iyo IT-da caadiga ah: kee la doorto marka jaamacaddu bixiso
  • Boqol qof iyo hal qof: sida fahamka system-ku AI-ga kaaga dhigo mid kuu shaqeeya
  • Farqiga u dhexeeya qofka fahamsan system-ka iyo vibe coder-ka
  • Fundamentals-ka oo aan hadda laba sano u baahnayn

Cutubyada

Su'aalo

Jaamacad ma dhigtaa mise xirfad baan bartaa?
Soomaaliya shaqada markaad codsanayso inta badan waxaa lagu weydiiyaa shahaado, markaa haddaad rabto inaad hay'ad ka shaqayso jaamacadda dhigo, xirfaddana bannaanka ka baro. Haddaad rabto inaad freelance ahaato ama wax adiga kuu gaar ah dhisto, shahaadadu wax badan kuuma soo kordhinayso.
AI-gu ma la wareegayaa shaqada software engineering-ka?
Maya. AI-gu isma wado, qofka fahamsan ayaa ka faa'iidaysta. Qofka yaqaan database-ka, back end-ka, front end-ka iyo deployment-ka, markuu AI isticmaalo wuxuu u dhigmaa boqol qof, qofka aan fahamsanaynna waa hal qof. Dad baa laba sano sugayay in AI-gu la wareego, weli mana dhicin.
Full time mise part time?
Part time. Full time-ku tamar iyo waqti badan ayuu kaa qaadayaa: shan ama lix maalmood, assignments lix macallin ka yimaada, adoo daalan ayaad guriga imaanaysaa. Part time-ka waqtiga kuu haraa waa inaad xirfad ku barato.

La xiriira