Gemini 3.7 Flash Waan Tijaabiyay: Ma Ku Fiican Yahay Design-ka?
Google waxay soo saartay Gemini 3.7 Flash, waxaana ku tijaabiyay AntiGravity design real ah. Qoraalkan waxaad ku ogaanaysaa natiijada, khaladka ugu badan ee design-ka AI-ga, iyo sida prompt fiican wax u beddesho.
Google waxay soo saartay model cusub oo la yiraahdo Gemini 3.7 Flash. Inta badan Gemini waxaa lagu dhaleeceeyaa inaysan ku fiicnayn qaybta agent-ka, laakiin hadda waxay sheegayaan inay aad ugu fiican yihiin design-ka iyo coding-ka labadaba. Anigu sheegasho kuma qancayo, marka waan tijaabiyay: AntiGravity ayaan soo degsaday, model-kan cusubna design real ah ayaan u dhiibay. Natiijada halkan ka akhri.
Video ahaan tijaabada oo dhan halkan ka daawo:
Tijaabada koowaad: application hore u jiray
Marka hore waxaan u dhiibay application aan horay u dhisnay, waxaanna ku iri design-ka modern ka dhig oo qurxi. Wax yar oo aan toban daqiiqo ahayn ayuu redesign-ka oo dhan ku dhammeeyay, 5-hour limit-kaygana wuxuu ka isticmaalay 7% oo keliya, taas oo fiican.
Laakiin natiijadu ima qancin, sababtuna model-ka kuma jirin: application-ku design system ayuu horay u lahaa, model-kuna wuu raacay design system-kii hore u jiray. Wax cusub oo gooni ah kuma soo kordhin. Taasi cashar weyn ayay kuu tahay: AI-ga design haddii aad ka rabto creativity, ha ku xayirin design hore u jira.
Tijaabada labaad: from scratch
Markaas ayaan project madhan u diray oo aan ku iri resume generator modern ah ii dhis, su'aalahaad qabtidna i weydii. Halkan ayuu ku fiicnaa: wuxuu i weydiiyay theme-ka aan rabo, qaabka resume-ka loo samaynayo, iyo template-ka, isagoo mid walba options ii soo bandhigaya.
Design-kii koowaad ee glassmorphism-ka ah ma aanan ka helin, marka waxaan ku iri options-kii kale ii soo celi. Midka labaad, oo light theme ah oo nadiif ah, runtii waa cool: colors-ka waa la beddeli karaa, preview iyo zooming buu leeyahay, share iyo edit-na waa shaqaynayaan. Design-kaas maalin cad ayaan qaadan lahaa, resume-kaygana waan ka dhigan lahaa.
Casharka ugu weyn: prompt-ka ayay ku xiran tahay
Natiijada AI-ga design wax weyn oo ay ku xiran tahay waa prompt-ka aad siiso. Saddex arrimood ayaan kula dardaarmayaa:
- Prompt-ka ha iska qorin, AI-ga u isticmaal. Waxaad AI-ga ku leedahay: waxaan rabaa inaan design-ka horumariyo, i sii prompt detailed ah oo agent-kayga aan siiyo. Prompt buuxa ayuu kuu diyaarinayaa.
- Creativity haddaad rabto, from scratch ka bilow, design system hore u jira ha ku xayirin.
- Su'aalo ha ku weydiiyo. "Ask me any question you have" ku dar prompt-ka: markaadan ogayn sida wax u noqonayaan, inuu su'aalaha edge case-ka ah ku weydiiyo ayaa natiijada wanaajisa.
Su'aalo badanaa la weydiiyo
Gemini 3.7 Flash ma ka fiican yahay Claude iyo Codex? Design ahaan waa promising, natiijada labaadna waan qaadan lahaa. Isbarbardhig buuxa oo saddexda agentic tools ah halkan ka akhri: Claude Code, Cursor iyo Codex: Yaa Fiican?
Waa maxay AntiGravity? Waa editor Google ay soo saartay oo agent ahaan u shaqeeya, kuna shaqeeya models-ka Gemini. Waxaad dooran kartaa model-ka aad rabto, usage-kaagana waad ka arki kartaa.
Tallaabada xigta
Tools-kan si fiican haddaad u baran rabto, adigoo dhisaya app real ah, Agentic Coding with Claude Code ayaa Af-Soomaali kuugu dhigaysa. Aasaaska AI-gana halkan ka akhri: Waa Maxay LLMs?
Mohamud Osman
A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.
More Reading
More like this.
Waa Maxay DeepSeek? Model-ka Reasoning-ka ah ee Adduunka ka Qaylisiiyay
DeepSeek waa model AI ah oo buuq weyn dhaliyay. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa uu yahay, waxa reasoning models ka duwan yihiin kuwii hore, iyo sida computer-kaaga local-ka ah loogu run-gareeyo.
Waa Maxay LLMs (Large Language Models)? Sida ChatGPT iyo Claude u Shaqeeyaan
ChatGPT, Claude, Gemini: dhammaan waa Large Language Models. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa ay yihiin, maxay u yihiin large, sida loo tababaro, iyo sida ay jawaabta kuugu soo saaraan.
Artificial IntelligenceSida Loo Yareeyo Token-ka Claude Code
Waa run in Claude Code limit-kiisa ciyow la gaaro, gaar ahaan haddii aad isticmaasho plans-ka yar-yar sida midka 20-ka dollar ah. Laakiin inta badan caqabadu waxay noqon kartaa sida aad u isticmaasho.