Waa In Claude Code Aan Ku Isticmaalnaa Somalia

Claude Code & Agentic1 daqiiqo3 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan gaaban waxaan kaga hadlayaa xayiraadda saaran Soomaaliya marka la yimaado helitaanka Claude iyo Claude Code, waxaana loogu talagalay developer-rada iyo dadka AI-ga danaynaya ee dalka jooga. Soomaaliya meel kasta ayaa laga xayiray: bangiyada, online-ka, suuqa shaqooyinka, iyo hadda tools-ka AI-ga.

Claude waxaan aaminsanahay inuu ugu fiican yahay marka la joogo shaqada maalmeedka, ha noqoto coding, spreadsheet ama shaqo falanqayn ah. Aniga dalka waan ka maqnahay, laakiin developer-rada iyo asxaabta igu xiran ee guriga joogaa access uma haystaan. Sidaas darteed waxaan sameeyay fiidiyow aan toos ugula hadlayo shirkadda Anthropic, waxaanan soo geliyay Twitter-kayga iyo LinkedIn-ka.

Waxa aan idinka codsanayaa waa mid keliya: fiidiyowgaas meel dheer gaarsiiya, si ay u arkaan in Soomaaliya ay ku jiraan community iyo dad badan oo access raadinaya. Codka bulshada oo isku duuban ayaa keliya arrintan bedeli kara. Link-ga fiidiyowga codsiga ah waxaad ka helaysaa qaybta description-ka, shaashaddana waan idiin soo saarayaa waxa ku qoran. Qof walba oo Soomaali ah ha gaarsiiyo, si dhammaan developer-rada iyo dadka AI-ga danaynaya ay access u helaan.

English summary

A one-minute Somali (Af-Soomaali) message from Dugsiiye about Somalia being cut off from access to Claude and Claude Code. It explains that the country is excluded across banking, online work marketplaces and now AI tools, and argues that Claude is the tool the host relies on for daily work such as coding, spreadsheets and analysis. He notes that he has access from abroad while the developers and friends he knows at home do not, and asks viewers to share the separate video he addressed to Anthropic on Twitter and LinkedIn, linked in the description, so the Somali developer community is seen and heard. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Xayiraadda saaran Soomaaliya iyo saamaynteeda tech-ga
  • Sababta Claude muhiim ugu tahay shaqada maalmeedka
  • Farriinta loo diray shirkadda Anthropic
  • Sida bulshadu codkeeda isugu geyn karto
  • Meesha laga helo fiidiyowga codsiga ah

Cutubyada

Su'aalo

Soomaaliya Claude ma laga isticmaali karaa?
Xilliga fiidiyowga la duubay access ma jirin. Codsigu wuxuu ku saabsan yahay in xayiraaddaas laga qaado.
Maxaan ka qaban karaa?
Wadaag fiidiyowga codsiga ah si farriintu meel dheer u gaarto.
Videogu intee buu socdaa?
Ku dhawaad hal daqiiqo, waana farriin kooban.

La xiriira