OpenAI Iyo Cursor Waa U kala Dhamaatay | Space X Iyo Elon Ayaan Sabab u ah

AI News & Reviews10 daqiiqo7 cutubAf-Soomaali

Sharaxaad

Videogan waxaan kaga hadlayaa OpenAI oo sheegtay inay xiriirka u jari doonto Cursor, kaddib markii SpaceX ay la wareegtay shirkadda. Waxaan sharxayaa sida heshiiska Cursor iyo shirkadaha models-ka u shaqeeyo: Cursor waxay hal meel isugu keentay Grok, Claude, GPT iyo Gemini, waxayna ka heshaa discount ballaaran oo ay programmers-ka ku siiso qiimo jaban.

Kaddib waxaan sharxayaa sababta SpaceX u iibsatay Cursor. Elon Musk wuxuu hayaa cilmi-baarayaal karti leh ee models-ka samayn kara, farqigase wuxuu ku jiraa xogta lagu laylinayo. Cursor waxay keydsataa amar kasta oo programmer qoro iyo jawaab kasta oo models-ku soo celiyaan, taasoo muujinaysa waxa programmers-ku jecel yihiin. Waxaan sidoo kale dib ugu noqonayaa taariikhda dagaalka Elon Musk iyo Sam Altman: OpenAI 2015-kii waxaa loo bilaabay qaab non-profit ah, Elon-na wuxuu ahaa qofka lacagta ugu badan bixiyay. Markii uu soo jeediyay in shirkadda faa'iido loo raadiyo, Sam iyo Greg way diideen, markii dambese ayagu isla arrintaas ayay qaateen.

Ugu dambayn waxaan sharxayaa distillation, taasoo ah in jawaabaha iyo qaabka model-ka laga soo qaato oo lagu train-gareeyo model kale. OpenAI waxay ku eedaynayaan in data-dooda Cursor loo dhex marayo ee lagu laylinayo Grok, sidaas darteedna bisha November ayay heshiiska ku joojinayaan. Haddaad Cursor ugu isticmaali jirtay models-ka OpenAI, waxaan kugula talinayaa Codex maadaama uu si native ah ula shaqeeyo models-kooda. CEO-ga Cursor wuxuu sheegay in shan boqolkiiba oo keliya oo ka mid ah user-radooda ay models-ka OpenAI isticmaalaan. Waxaan ku gunaanadayaa Astra, model cusub oo aad u xooggan ee la soo wado.

English summary

A 10-minute Somali-language (Af-Soomaali) AI news video from Dugsiiye on OpenAI cutting its relationship with Cursor after SpaceX acquired the company. It explains how the deal between Cursor and the model providers worked and why Cursor could offer cheaper access, then why SpaceX wanted Cursor at all: not the engineering talent, but the coding data, since Cursor stores every prompt developers write and every model response. It walks through the history between Elon Musk and Sam Altman, from OpenAI's non-profit start in 2015 to the court fight today, explains data distillation and why OpenAI says its data is being used to train Grok, and covers what the November cut-off means for developers using OpenAI models inside Cursor, Cursor's answer that only five percent of its users are on OpenAI, and the coming Astra model. Free on YouTube.

Waxaad ku baranaysaa

  • Khilaafka OpenAI, SpaceX iyo Cursor iyo halka uu ka bilaabmay
  • Sida heshiiska Cursor iyo shirkadaha models-ka u shaqeeyo
  • Sababta SpaceX u iibsatay Cursor iyo qiimaha xogta coding-ka
  • Taariikhda dagaalka Elon Musk iyo Sam Altman ilaa maxkamadda
  • Waxa uu yahay data distillation iyo sababta xiriirka loo jarayo
  • Waxa ay ka dhigan tahay programmer-ka Cursor isticmaala
  • Model-ka cusub ee Astra iyo gunaanadka muuqaalka

Cutubyada

Su'aalo

Videogu maxuu ku saabsan yahay?
OpenAI oo xiriirka u jaraysa Cursor kaddib markii SpaceX ay iibsatay, iyo waxa arrinkaas ka dambeeya.
Anigoo Cursor isticmaala, maxaa i saameynaya?
Haddaad Cursor ugu isticmaali jirtay models-ka OpenAI, bisha November kaddib way kaa go'ayaan. Videoga waxaan ku sharxayaa in ay ka fiican tahay inaad Codex si toos ah u isticmaasho.
Cursor miyay models-ka oo dhan lumisay?
Maya. CEO-ga Cursor wuxuu sheegay in shan boqolkiiba oo keliya oo ka mid ah user-radooda ay models-ka OpenAI isticmaalaan, inteeda kalena models kale ayay isticmaalaan.

La xiriira