Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Sidoo kale loo yaqaan
React.js, ReactJS, React-ka
Sharaxaad
Intaan React la samayn, page walba HTML gooni ah ayaa loo qori jiray, xog kasta oo isbeddeshana page-ka oo dhan ayaa dib loo soo rari jiray. React wuxuu keenay laba fikrad. Kow, components: page-ka waxaad u kala jebisaa qaybo yaryar oo dib loo isticmaali karo, sida header, card iyo button. Labo, state: xogta markay isbeddesho, React qaybta isbeddeshay keliya ayuu cusboonaysiiyaa, page-ka oo dhan ma soo raro. Taasi waa sababta apps-ka casriga ah u dareemaan xawaare.
Components-ka waxaa lagu qoraa JSX, oo HTML iyo JavaScript isku daraya. Xogta components-ka waxaa lagu maamulaa hooks, sida useState iyo useEffect. Markuu project-ku weynaado, state-ka guud waxaa lagu maamulaa Context API ama Redux. Facebook, Instagram, Netflix iyo kumanaan apps oo kale ayaa React ku dhisan.
Tusaale
Shopping cart haddaad dhisayso: product card waa component, cart-ka waa component, total price-ka waa state. Markaad product ku darto cart-ka, total-ka keliya ayaa isbeddelaya, page-ka oo dhan ma soo raro. Koorsada React ee Dugsiiye, shopping cart-kaas waxaad ku xirtaa Hormuud EVC Plus API.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Full course 22 saac ka badan oo bilaash ah: Baro React JS Af-Soomaali. Koorso habaysan oo exercises iyo mentor leh: React.js Masterclass.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca Koorsada React.js 0:14
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- React ka hor maxaan bartaa?
- HTML, CSS iyo JavaScript. React JavaScript ayuu ku dhisan yahay; JavaScript haddaadan fahmin, React wuu ku wareerinayaa.
- React mise Next.js?
- Next.js waa framework React ku dhisan oo ku daraya routing, server rendering iyo backend. React marka hore baro, kadib Next.js.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.
Waa Maxay JSX?
JSX (JavaScript XML) waa qaab qoraal oo HTML u eg oo JavaScript gudaheeda lagu qoro. React components-ku JSX ayay soo celiyaan, kadibna waxaa loo beddelaa JavaScript caadi ah oo browser-ku fahmo.
Waa Maxay hook?
Hook waa function gaar ah oo React ah, magaciisu use ku bilaabmo, oo component-ka siiya awoodo sida state (xog isbeddesha), effects (shaqo la fuliyo markuu component-ku soo baxo), iyo context. useState iyo useEffect waa kuwa ugu caansan.
Waa Maxay props?
Props (properties) waa xogta component waalid ah u dhiibo component ilmo ah, sida attributes HTML oo kale. Component-ku props ayuu qaataa, wuxuuna soo bandhigaa xogtaas.
Waa Maxay Next.js?
Next.js waa framework React ku dhisan oo ay samaysay shirkadda Vercel. Wuxuu React ku daraa routing, server rendering, API routes iyo optimization, si aad application dhammaystiran hal project ku dhisto.