Waa Maxay JSX?
JSX (JavaScript XML) waa qaab qoraal oo HTML u eg oo JavaScript gudaheeda lagu qoro. React components-ku JSX ayay soo celiyaan, kadibna waxaa loo beddelaa JavaScript caadi ah oo browser-ku fahmo.
Sidoo kale loo yaqaan
JSX, JavaScript XML, TSX
Sharaxaad
React-ka, UI-ga JavaScript ayaad ku qoraysaa. Halkii aad document.createElement marar badan qori lahayd, JSX wuxuu kuu oggolaanayaa inaad qorto <h1>Salaan</h1> isla JavaScript-ka dhexdiisa. Tool-ka build-ka (Babel ama Vite) ayaa JSX-ka u beddela function calls React fahmo. Browser-ku JSX toos uma fahmo, taasi waa sababta project React loogu baahan yahay setup.
Xeerarka ugu muhiimsan: class waxaad ku qoraysaa className, sababtoo ah class JavaScript ereyga la reebay ayuu yahay; component-ku hal element root ah ayuu soo celiyaa (ama fragment <>...</>); tags-ka oo dhan waa la xiraa, xitaa <img />; JavaScript-ka waxaad ku dhex qoraysaa braces {}: {name}, {items.map(...)}. TypeScript-ka waxaa la yiraahdaa TSX.
Tusaale
function Salaan({ name }) {
return <h1 className="title">Salaan, {name}!</h1>;
}
HTML u eg, laakiin {name} waa JavaScript, className-na waa xeerka JSX. Component-ku wuxuu soo celiyaa element React soo bandhigo.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
JSX, createRoot iyo xeerarka styling-ka casharrada ugu horreeya: React.js Masterclass iyo bilaash Baro React JS Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Fahamka JSX iyo createRoot 15:03
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- JSX ma qasab baa React-ka?
- Maya, laakiin qof walba wuu isticmaalaa; la'aanteed code-ku aad buu u dheeraadaa.
- JSX iyo HTML maxay ku kala duwan yihiin?
- JSX waa JavaScript oo HTML u eg: `className`, braces, hal root. HTML waa luqad gooni ah oo browser-ku toos u akhriyo.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.