web-development

Waa Maxay Next.js?

Next.js waa framework React ku dhisan oo ay samaysay shirkadda Vercel. Wuxuu React ku daraa routing, server rendering, API routes iyo optimization, si aad application dhammaystiran hal project ku dhisto.

Sidoo kale loo yaqaan
Next.js, NextJS, Next-ka

Sharaxaad

React kaligiis waa library UI ah: pages-ka sida loo kala aado, server-ka sida loo dhiso, SEO-ga sida loo hagaajiyo, adigaa doonaya tools kale. Next.js waxyaalahaas oo dhan wuu keenaa. App Router folder ahaan ayaad pages-ka u samaysaa. Server Components page-ka server-ka ayaa lagu dhisaa, sidaas ayuuna Google u akhrin karaa oo user-ka degdeg ugu soo baxaa. API routes backend-ka isla project-ka ayaad ku qoraysaa. Images, fonts iyo caching si automatic ah ayuu u hagaajiyaa.

Sidaas darteed apps-ka casriga ah, gaar ahaan SaaS iyo AI apps, Next.js ayaa lagu dhisaa. Dugsiiye.com laftiisu Next.js ayuu ku dhisan yahay. Waxa loo baahan yahay: React marka hore fahan; Next.js React ayuu ku dhisan yahay, React haddaadan fahmin, Next.js kuma fahmi kartid.

Tusaale

AI SaaS app: page-ka landing-ka Server Component ayaa lagu dhisaa si SEO-gu u fiicnaado, dashboard-ka user-ka Client Component, OpenAI API-gana API route ayaa lagu wacaa si key-ga uusan browser-ka u soo bixin. Stripe lacag bixinta, AWS files-ka. Hal project, wax walba.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorsada Next.js App Router: Next.js App Router Fullstack. SaaS app dhammaystiran oo Next.js, OpenAI, Stripe iyo AWS ah: Build SaaS Apps Fullstack.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Dhis AI SaaS App: Next.js + OpenAI + Stripe + AWS 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Next.js ma bedelaa React?
Maya, wuu ku dul dhisan yahay. React components-ka waad ku qoraysaa; Next.js wuxuu ku daraa routing, server iyo deployment.
Next.js backend ma leeyahay?
Haa, API routes iyo server actions. Backend fudud oo dhexdhexaad ah wuu ku filan yahay; backend weyn oo gooni ah, Node.js iyo Express ayaa la isticmaalaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska