web-development

Waa Maxay hook?

Hook waa function gaar ah oo React ah, magaciisu use ku bilaabmo, oo component-ka siiya awoodo sida state (xog isbeddesha), effects (shaqo la fuliyo markuu component-ku soo baxo), iyo context. useState iyo useEffect waa kuwa ugu caansan.

Sidoo kale loo yaqaan
hooks-ka, React hooks, useState, useEffect

Sharaxaad

Component waa function: wuu soo baxaa oo wuu dhammaadaa. Xog haddaad rabto inuu xasuusto oo isbeddesha, sida tirada cart-ka, hook ayaad u baahan tahay. useState wuxuu ku siinayaa qiime iyo function lagu beddelo; markaad beddesho, React component-ka ayuu dib u soo bandhigaa. useEffect waa shaqo la fuliyo markuu component-ku soo baxo ama xog isbeddesho: data ka soo qaad API, title-ka beddel, timer bilow.

Hooks kale: useRef (wax ku hay oo aan rendering keenin), useContext (xog Context ka akhri), useReducer (state adag oo xeerar leh). Adiguna custom hook waad samaysan kartaa, sida useShop, si logic dib loogu isticmaalo. Xeerarka: hooks-ka component-ka ugu sarreeya ku wac, ma aha if ama loop gudahood, oo components iyo custom hooks keliya ka wac.

Tusaale

const [tiro, setTiro] = useState(0); <button onClick={() => setTiro(tiro + 1)}>{tiro}</button>

Click kasta setTiro ayaa la wacaa, tiro waa la cusboonaysiiyaa, button-ka ayaana tirada cusub tusaya. Saddex sadar, counter shaqaynaya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Hooks-ka oo dhan, useState ilaa custom hooks, projects ahaan: React.js Masterclass iyo bilaash Baro React JS Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca Hook-ga useState 1:28:20

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Hook intee ayaan bartaa?
useState iyo useEffect 80% shaqada ayay qabtaan. Kuwa kale markaad u baahato ayaad baranaysaa.
Hooks class components ma beddeleen?
Haa. React casriga ah function components iyo hooks keliya ayuu isticmaalaa; class components waa kuwo hore.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska