Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.
Sidoo kale loo yaqaan
component-ka, components-ka, React component
Sharaxaad
Halkii page dhan hal file lagu qori lahaa, React-ka waxaad qoraysaa components yaryar, mid walba shaqo gaar ah oo cad leh. Component waa function JavaScript ah oo JSX soo celisa. Waxaad ku isticmaali kartaa meel kasta oo page ah, mar kasta oo aad rabto, oo xog kala duwan ayaad ku siin kartaa props ahaan. Component waliba wuxuu lahaan karaa state gaar ah oo isbeddesha.
Faa'iidada waa laba: dib u isticmaal (button hal mar qor, boqol meelood isticmaal), iyo maamul (bug haddii uu jiro, component-ka ayaad ka raadinaysaa, ma aha page dhan). Components-ku way isku dhex jiri karaan: page waxaa ka kooban header, main iyo footer; main waxaa ka kooban cards; card waxaa ka kooban image, title iyo button.
Tusaale
ProductCard component: sawirka, magaca iyo qiimaha ayuu soo bandhigaa, product walbana props ahaan ayaa loo dhiibaa. Shop-ka 50 product haddaad haysato, hal component ayaad qoraysaa, 50 jeer ayaad isticmaalaysaa. Design markaad beddesho, hal meel ayaad ka beddelaysaa, 50-ka oo dhan way isbeddelayaan.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Components, props iyo state: React.js Masterclass, mentorship-ka React: Components, Hooks & State. Bilaash: Baro React JS Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca React Components 38:46
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Component intee ayuu le'ekaan karaa?
- Yar. Haddii component uu wax badan sameeyo, u kala jebi kuwo yaryar. Xeerka: hal component, hal shaqo.
- Server component iyo client component?
- Next.js-ka, server component-ku server-ka ayuu ku dhismaa (SEO, fast); client component-ku browser-ka ayuu ku shaqeeyaa (clicks, state). Labadaba React components ayay yihiin.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay props?
Props (properties) waa xogta component waalid ah u dhiibo component ilmo ah, sida attributes HTML oo kale. Component-ku props ayuu qaataa, wuxuuna soo bandhigaa xogtaas.
Waa Maxay JSX?
JSX (JavaScript XML) waa qaab qoraal oo HTML u eg oo JavaScript gudaheeda lagu qoro. React components-ku JSX ayay soo celiyaan, kadibna waxaa loo beddelaa JavaScript caadi ah oo browser-ku fahmo.
Waa Maxay hook?
Hook waa function gaar ah oo React ah, magaciisu use ku bilaabmo, oo component-ka siiya awoodo sida state (xog isbeddesha), effects (shaqo la fuliyo markuu component-ku soo baxo), iyo context. useState iyo useEffect waa kuwa ugu caansan.