Waa Maxay props?
Props (properties) waa xogta component waalid ah u dhiibo component ilmo ah, sida attributes HTML oo kale. Component-ku props ayuu qaataa, wuxuuna soo bandhigaa xogtaas.
Sidoo kale loo yaqaan
props-ka, properties, prop drilling
Sharaxaad
Component hal mar ayaad qortaa, marar badanna waad isticmaashaa; waxa kala duwan waa props. <ProductCard name="Laptop" price={500} />: name iyo price waa props, component-ku gudaha ayuu ka akhriyaa. Props waa read-only: component-ka ilmuhu ma beddeli karo, waalidka ayaa leh. Haddii xog isbeddesha loo baahdo, state ayaa la isticmaalaa, props-na waxaa lagu dhiibaa function xogta beddela.
Xogta mar walba hoos ayay u socotaa: waalid ilaa ilmo. Markuu project-ku weynaado, xog qoto dheer hoos u dhiibiddu way daashaa: prop drilling ayaa la yiraahdaa. Halkaas ayaa Context API ama Redux lagu isticmaalaa, si xogta guud (user-ka, theme-ka) meel walba laga heli karo iyadoo aan hoos loo sii dhiibin.
Tusaale
function ProductCard({ name, price }) {
return <div><h3>{name}</h3><p>${price}</p></div>;
}
<ProductCard name="Laptop" price={500} />
<ProductCard name="Phone" price={200} />
Hal component, laba product. Design-ka hal meel, xogtu props ahaan.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Props, state lifting iyo Context: React.js Masterclass. Bilaash: Baro React JS Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Fahamka Props iyo Gudbinta Xogta 48:26
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Props iyo state maxay ku kala duwan yihiin?
- Props dibadda ayay ka yimaadaan (waalidka), lama beddeli karo. State gudaha component-ka ayuu ku jiraa, wuuna isbeddelaa.
- Function props ahaan ma dhiibi karaa?
- Haa, waana sida ilmuhu waalidka ugu sheego in wax dhaceen: `onClick`, `onSubmit`.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay context?
Context waa wax walba oo model-ku "arkayo" markuu jawaab soo saarayo: prompt-kaaga, sheekadii hore, files-ka aad siisay iyo tilmaamaha system-ka. Xadka uu qaadi karo waxaa la yiraahdaa context window.
Waa Maxay hook?
Hook waa function gaar ah oo React ah, magaciisu use ku bilaabmo, oo component-ka siiya awoodo sida state (xog isbeddesha), effects (shaqo la fuliyo markuu component-ku soo baxo), iyo context. useState iyo useEffect waa kuwa ugu caansan.