web-development

Waa Maxay UI?

UI waa soo gaabinta User Interface: qaybta barnaamijka ee user-ku arko oo gacanta ku hayo. Buttons, forms, menus, sawirrada, midabada iyo layout-ka oo dhan waa UI.

Sidoo kale loo yaqaan
UI, UI-ga, UI-yada, user interface

Sharaxaad

App kastaa laba dhinac ayuu leeyahay. Dhinaca hoose waa logic-ga iyo database-ka, oo user-ku waligiis arki maayo. Dhinaca kore waa UI-ga: meesha uu wax ku arko oo uu wax ku gujiyo. Xogtu database-ka ayay ku jirtaa, laakiin user-ku table ma arko: wuxuu arkaa liis, card iyo button. Marka xogtu isbeddesho, waxa la beddelaa UI-ga, taasina waa shaqada React iyo component-yada; qofna page-ka gacanta kuma cusboonaysiiyo.

UI iyo UX isku mid ma aha. UI waa waxa la arko: qaabka, midabka iyo far-qoraalka. UX waa dareenka isticmaalka: ma fudud tahay, immisa gujin ayaa hawshu ku dhammaanaysaa, ma lagu wareeraa? UI wanaagsan wuxuu sidoo kale ka fikiraa xaddiga xogta la soo bandhigayo. Haddii database-kaagu kun row hayo, hal mar kuma soo saarid: qayb qayb ayaad u tusaysaa si internet-ka user-ku uusan u istaagin.

Tusaale

{diiwaangashan ? <Dashboard /> : <FoomkaLogin />}

Hal sadar: haddii user-ku diiwaangashan yahay, dashboard-ka ayuu arkaa; haddii kale, foomka login-ka ayaa soo baxa. Isla hal xog ayaa go'aaminaysa UI-ga uu hortiisa ku arko.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

UI casri ah ee Tailwind lagu dhiso: Tailwind CSS: Modern Websites. Aasaaska muuqaalka: Baro HTML Af-Soomaali. UI isbeddesha oo React ah: Baro React JS Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Sameynta file-ka lib/ai.ts iyo isku xirka API-ga 19:34

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

UI iyo UX ma isku mid baa?
Maya. UI waa muuqaalka iyo qaybaha la gujiyo. UX waa waaya-aragnimada user-ku la kulmo: jidka uu maro iyo inta ay ku fududahay. Bog qurux badan oo aan la fahmi karin waa UI wanaagsan, UX xun.
UI-ga ma waajib ku tahay inaan designer noqdo?
Maya. Libraries sida shadcn/ui iyo Tailwind waxay ku siinayaan qaab hore loo qiimeeyay. Waxa kaa filan afar xeer: kala fogaansho, isku ekaansho midab, far la akhriyi karo, iyo button cad oo la garanayo.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay UI (User Interface)? Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye