Web Development

Baro HTML Af-Soomaali: Casharkaaga Ugu Horreeya

HTML waa tallaabada ugu horreysa ee web development. Halkan waxaad ku baranaysaa waxa HTML yahay, sida uu u shaqeeyo, iyo sida aad maanta u qori karto code-kaaga ugu horreeya, Af-Soomaali.

Baro HTML Af-Soomaali: Casharkaaga Ugu Horreeya

Qof kasta oo web development bartay, HTML ayuu ka bilaabay. Waa luuqadda ugu fudud ee aad baran karto, mana u baahnid wax aqoon hore ah.

Waa maxay HTML?

HTML (HyperText Markup Language) waa qaab-dhismeedka bog kasta oo internet ah. Bog kasta oo aad furto, HTML ayaa qeexaya cinwaanka, qoraalka, sawirrada iyo links-ka.

U malee sida qorshaha guri: HTML waxay sheegtaa meesha qol kasta yaallo. Kadib CSS ayaa qurxisa, JavaScript-na waxay ka dhigtaa mid firfircoon.

Code-kaaga ugu horreeya

Waxaad qori kartaa hadda, adigoo isticmaalaya Notepad ama editor kasta:

<!DOCTYPE html> <html> <head> <title>Bogaygii ugu horreeyay</title> </head> <body> <h1>Salaan, dunida!</h1> <p>Waxaan bilaabay barashada HTML.</p> </body> </html>

Ku kaydi bog.html, kadibna browser-kaaga ku fur. Hambalyo, waxaad hadda qortay bog internet ah!

Waxa aad HTML ku baranayso

  • Tags-ka aasaasiga ah: cinwaanno, qoraallo, sawirro iyo links
  • Lists iyo tables: sida xogta loo habeeyo
  • Forms: meelaha dadku xogta geliyaan, sida login-ka
  • Media: sawirro, video iyo audio

Video: HTML Crash Course Af-Soomaali

Haddii aad rabto inaad si degdeg ah wax u aragto, daawo casharkan bilaashka ah:

Talaabada xigta

Video-ga ayaa ku siinaya dhadhan, laakiin koorsada dhamaystiran ayaa kaa dhigaysa qof wax dhisi kara. Koorsada HTML5 for Beginners waxaad ku baranaysaa HTML oo dhamaystiran, Af-Soomaali, adigoo dhisaya bogaggaaga ugu horreeya.

Marka aad HTML dhammayso, waxaa ku xiga CSS iyo JavaScript. Haddii aad rabto waddada oo dhan hal meel, eeg Mentorship-ka Dugsiiye: 10 course, 700+ cashar oo Af-Soomaali ah iyo mentor toos ah.

Su'aalo badanaa la weydiiyo

HTML ma adag tahay? Maya. Waa luuqadda ugu fudud ee tech-ka. Toddobaad gudahood waxaad qori kartaa bogag dhamaystiran.

Maxaan u baahanahay si aan u bilaabo? Computer iyo internet access oo kaliya. Software qaas ah looma baahna.

Mohamud Osman

Mohamud Osman

A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.

14
Articles