Waa Maxay training?
Training waa habka model-ka AI-ga xog aad u badan lagu tababaro, si uu qaababka (patterns) u barto oo jawaab u soo saaro. Laba marxaladood ayuu leeyahay: pre-training iyo fine-tuning.
Sidoo kale loo yaqaan
training-ka, pre-training, model training
Sharaxaad
Pre-training waa marxaladda hore. Wixii internet-ka ku jiray, buugaagta, articles-ka, code-ka GitHub iyo su'aalaha Stack Overflow ayaa model-ka la tusaa. Halkaas ayuu ka bartaa grammar-ka, xaqiiqooyinka dunida iyo qaabka fikirka. Marxaladdan kadib model-ku aqoon aad u badan ayuu haystaa, laakiin si guud uma anfacayo: su'aal marka la weydiiyo si habaysan uma jawaabo.
Fine-tuning waa marxaladda labaad: aqoon gaar ah iyo dabeecad ayaa la siiyaa. Halkan ayaa lagu qeexaa "adigu waxaad gaar u tahay wada sheekaysiga" ama "adigu waxaad gaar u tahay code-ka". Sidaas ayuu Claude coding-ka ugu fiicnaaday, ChatGPT-na wada hadalka. Training-ku waa qaali: computers waaweyn, waqti dheer iyo xog nadiif ah ayuu u baahan yahay, sidaas darteed shirkado tiro yar ah ayaa models-ka waaweyn tababara. Adiga marka aad app dhisayso, inta badan uma baahnid inaad model tababarto: prompt fiican, context sax ah iyo RAG ayaa shaqada intooda badan qabta.
Tusaale
Model waxaa lagu tababaray tiro aan la koobi karin oo ereyo ah. Markaad weydiiso "Koobkii Adduunka 2006 yaa qaatay?", model-ku internet-ka ma raadinayo: wuxuu ka soo saarayaa waxa uu training-ka ku bartay. Sidaas darteed wixii ka dambeeyay training-ka wuu garan waayaa, waxaana la yiraahdaa knowledge cutoff. Halkaas ayay RAG iyo tools-ku ka bilaabmaan: xog cusub ayaa markiiba la siiyaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Waddada AI engineering-ka oo dhan, models-ka ilaa systems-ka la dhisayo: Professional AI Engineer Track. Aasaaska bilaash: Waa Maxay LLMs? iyo Sidee Loo Bartaa AI 2026
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Pre-training iyo Fine-tuning 11:22
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Model ma tababari karaa qof shakhsi ah?
- Model weyn maya, kharashkiisu waa mid aan qofku qaadi karin. Laakiin model open source ah oo yar fine-tuning ku samayn kartaa, adigoo GPU kiraysanaya.
- Training iyo RAG kee baan doortaa?
- Xog isbeddesha, RAG. Dabeecad iyo qaab gaar ah oo aad rabto in model-ku mar walba raaco, fine-tuning. Inta badan RAG ayaa ku filan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay fine-tuning?
Fine-tuning waa in model horay loo tababaray (pre-trained) xog yar oo gaar ah lagu sii tababaro, si uu shaqo gaar ah ugu fiicnaado: qaab hadal, af, ama field sida caafimaadka ama coding-ka.
Waa Maxay token?
Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.
Waa Maxay RAG?
RAG (Retrieval-Augmented Generation) waa hab model-ka AI-ga xog dibadda ah loogu siiyo intaanu jawaabin: su'aasha markaad weydiiso, qaybaha xogtaada ee la xiriira ayaa marka hore la soo raadiyaa (retrieval), kadibna model-ku jawaabta ayuu ka soo saaraa (generation).