artificial-intelligence

Waa Maxay token?

Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.

Sidoo kale loo yaqaan
tokens-ka, token-ka

Sharaxaad

Model-ku erayo ma akhriyo sida aynu u akhrinno; qoraalka wuxuu u kala jaraa tokens. Eray gaaban wuxuu noqon karaa hal token, eray dheer ama Af-Soomaali laba ama saddex token. Qiyaastii 1,000 token waxay u dhigmaan 700 ilaa 750 eray oo English ah. Af-Soomaali tokens badan ayuu qaataa, sababtoo ah models-ku English ayay ugu badnaan ku tababaran yihiin.

Tokens-ku waa muhiim laba sabab. Kow, lacagta: API-yada AI-ga tokens ayay kugu xisaabiyaan, kuwa aad u dirto (input) iyo kuwa uu kuu soo celiyo (output), kuwa soo baxaana way ka qaalisan yihiin. Labo, context-ka: model kasta wuxuu qaadi karaa tiro token oo xaddidan; markay buuxsamaan wuu wareeraa. Marka tokens yareyn waa lacag keydin iyo jawaab fiican labadaba.

Tusaale

Claude Code haddaad file-yo badan ku shubto oo aadan u baahnayn, tokens-ka context-ka ayaa buuxsamaya. Habka saxda ah: files-ka la xiriira keliya sii, sheekada dheer soo koob, shaqada qayb qayb u dir. Application haddaad dhisayso, prompt-ka soo koob oo jawaabta dhererkeeda xaddid.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Sida tokens loo xisaabiyo, loo qiimeeyo, loona yareeyo application real ah: AI Engineering Masterclass. Tokens-ka Claude Code: Sida loo yareeyo token-ka Claude Code.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Sida OpenAI Vision API u Xisaabiso Tokens-ka 2:51:30

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Hal eray ma hal token baa?
Maya. Erayada caadiga ah ee English inta badan hal token, erayada dheer iyo luqadaha kale laba ama in ka badan.
Tokens-ka sidee ku xisaabiyaa intaanan lacag bixin?
Shirkad kastaa tokenizer ayay leedahay oo online ah, tusaale OpenAI Tokenizer. Qoraalka ku dheji, tirada ayay ku tusaysaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Token? Sida AI-gu Erayada u Xisaabiyo | Qaamuuska Dugsiiye