Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Sidoo kale loo yaqaan
model-ka, models-ka, AI model
Sharaxaad
Marka la yiraahdo "AI-ga", inta badan waxaa la wadaa model. Model-ku waa natiijada training-ka: xog badan oo internet-ka, buugaag iyo code ah ayaa la siiyaa, wuxuuna bartaa qaabka erayadu isugu xigaan. Markaad prompt u dirto, wuxuu saadaaliyaa token-ka xiga, kadib kan xiga, ilaa jawaabtu dhammaato. Sidaas ayuu qoraal, code iyo xitaa sawir ku soo saaraa.
Models-ku laba nooc ayay yihiin: kuwa shirkad gaar ah leedahay oo API ahaan loo isticmaalo, sida GPT iyo Claude, iyo kuwa open source ah oo computer-kaaga ku run-gareyn karto, sida LLaMA iyo DeepSeek. Model kasta wuxuu leeyahay awood iyo daciifnimo: mid waa fast, mid waa smart, midna lacag yar ayuu ku shaqeeyaa. Sidaas darteed AI engineer-ku model-ka shaqada ku habboon ayuu doortaa, ma aha in hal model wax walba loo isticmaalo.
Tusaale
Application chat ah haddaad dhisayso, model-ka ayaa jawaabaha soo saaraya, adiguna API ayaad ku wacaysaa. Waxaad u dirtaa prompt-ka user-ka iyo context-ka, wuxuu kuu soo celiyaa jawaab. Model-ka aad doorato ayaa go'aaminaya tayada jawaabta, xawaaraha iyo qiimaha.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
AI Engineering Masterclass waxaad ku baranaysaa sida models-ka kala duwan loo isticmaalo, loona isbarbardhigo, adigoo dhisaya chat app, RAG system iyo agents.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Waa Maxay Large Language Models (LLMs)? 1:03
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Model iyo LLM ma isku mid baa?
- LLM (Large Language Model) waa nooc model ah oo luqadda ku takhasusay. Model waa erayga guud; LLM waa kan qoraalka fahma oo soo saara.
- Model-ka ugu fiican waa kee?
- Ma jiro mid wax walba ugu fiican. Su'aalaha adag Claude iyo GPT ayaa ku fiican, xawaaraha Gemini Flash, computer-kaaga local-ka DeepSeek iyo LLaMA. Shaqada ayaa go'aaminaysa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay token?
Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.
Waa Maxay prompt?
Prompt waa qoraalka aad AI-ga u dirto: su'aasha, amarka ama sharaxaadda shaqada aad rabto inuu qabto. Prompt-ka aad siiso ayaa go'aaminaya jawaabta aad helayso.
Waa Maxay fine-tuning?
Fine-tuning waa in model horay loo tababaray (pre-trained) xog yar oo gaar ah lagu sii tababaro, si uu shaqo gaar ah ugu fiicnaado: qaab hadal, af, ama field sida caafimaadka ama coding-ka.