Waa Maxay fine-tuning?
Fine-tuning waa in model horay loo tababaray (pre-trained) xog yar oo gaar ah lagu sii tababaro, si uu shaqo gaar ah ugu fiicnaado: qaab hadal, af, ama field sida caafimaadka ama coding-ka.
Sidoo kale loo yaqaan
fine tuning, fine-tuning, finetuning
Sharaxaad
Model weyn sameyntiisu laba marxaladood ayay leedahay. Pre-training: xog aad u badan oo internet-ka ah ayaa la siiyaa, bilyan doollar iyo bilo ayay qaadataa, shirkado yar ayaa samayn kara. Fine-tuning: model-kaas diyaarka ah xog yar oo la doortay ayaa lagu sii tababaraa, maalmo iyo lacag macquul ah. Sidaas ayaa ChatGPT laga dhigay chat-ka wanaagsan, Claude-na coding-ka loogu xoojiyay.
Adiga developer ahaan fine-tuning waxaad u baahan tahay marka model-ku qaab gaar ah u baahdo oo prompt iyo RAG ay xallin waayaan: af aan model-ku si fiican u aqoon, format adag oo joogto ah, ama dabeecad gaar ah. Xog cusub oo isbeddesha, RAG ayaa ka fiican; fine-tuning-ku xogta ma cusboonaysiiyo, dabeecadda ayuu beddelaa.
Tusaale
Af-Soomaali model-ka haddaad rabto inuu si fiican ugu qoro, kumanaan tusaale oo Af-Soomaali saxan ah ayaad ku fine-tune-gareysaa. Kadib prompt yar ayuu ku fahmaa, Af-Soomaali nadiifna wuu qoraa. Laakiin xogta koorsadaada cusub, RAG ayaad u isticmaalaysaa, ma aha fine-tuning.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Marxaladaha models-ka, pre-training iyo fine-tuning: Waa Maxay LLMs?. Sida models-ka application lagu dhiso, RAG iyo agents: AI Engineering Masterclass.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Pre-training iyo Fine-tuning 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Fine-tuning ma qaali baa?
- Models-ka yaryar, dhowr doollar ilaa dhowr boqol. Models-ka waaweyn oo API-ga ah, shirkadaha ayaa lacag ka qaada. Xogta diyaarintu waa shaqada ugu weyn.
- Waa inaan ML aqoon u leeyahay?
- Aasaas ahaan haa: math iyo statistics, PyTorch. AI engineer-ku inta badan fine-tuning kama baahna; RAG iyo prompting ayuu ka bilaabaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay RAG?
RAG (Retrieval-Augmented Generation) waa hab model-ka AI-ga xog dibadda ah loogu siiyo intaanu jawaabin: su'aasha markaad weydiiso, qaybaha xogtaada ee la xiriira ayaa marka hore la soo raadiyaa (retrieval), kadibna model-ku jawaabta ayuu ka soo saaraa (generation).