artificial-intelligence

Waa Maxay RAG?

RAG (Retrieval-Augmented Generation) waa hab model-ka AI-ga xog dibadda ah loogu siiyo intaanu jawaabin: su'aasha markaad weydiiso, qaybaha xogtaada ee la xiriira ayaa marka hore la soo raadiyaa (retrieval), kadibna model-ku jawaabta ayuu ka soo saaraa (generation).

Sidoo kale loo yaqaan
RAG, Retrieval-Augmented Generation, RAG system

Sharaxaad

Model-ku wuxuu yaqaannaa waxa lagu tababaray oo keliya. Documents-ka shirkaddaada, policy-ga, PDF-yadaada iyo xogta cusub ma yaqaanno, marna wuu iska hindisaa (hallucination). RAG wuxuu xalliyaa taas: xogtaada waxaad u kala jartaa qaybo (chunks), qayb kasta waxaad u beddeshaa vector (embedding), vector database ayaadna ku kaydisaa. Su'aal markay timaado, su'aashana vector ayaa laga dhigaa, qaybaha ugu dhow ayaa la soo saaraa, model-kana context ahaan ayaa loo siiyaa: "xogtan ku jawaab".

Natiijadu waa AI xogtaada ku salaysan, oo isha jawaabta tusi kara, oo aan u baahnayn model dib loo tababaro. Sidaas ayaa chat-with-PDF, customer support bots iyo assistants-ka shirkadaha loo dhisaa. Waa xirfadda ugu badan ee AI engineer-ka laga rabo.

Tusaale

Chat-with-PDF: user-ku PDF ayuu soo shubaa, app-ku wuu kala jaraa oo vector database ku kaydiyaa. User-ku wuxuu weydiiyaa "qandaraaskan muddadiisu waa intee?", app-ku qaybaha ku saabsan muddada ayuu soo raadiyaa, model-kana jawaab sax ah ayuu ka soo saaraa, bogga uu ka helayna wuu tusaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

RAG system dhammaystiran, embeddings, vector database iyo chat-with-PDF: AI Engineering Masterclass. Mentorship-ka: Professional AI Engineer Track.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Barashada AI, LLMs iyo RAG Systems 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

RAG iyo fine-tuning?
Fine-tuning model-ka ayaa la beddelaa, waa qaali oo waqti qaata. RAG xog ayaa la siiyaa, waa jaban oo isla markiiba la cusboonaysiin karaa. Xog isbeddesha, RAG.
Vector database waa maxay?
Database xogta u kaydiya tirooyin (vectors) macnaha matalaya, si xogta isku dhow si degdeg ah loo helo. Pinecone, Qdrant iyo pgvector waa tusaalayaal.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay RAG (Retrieval-Augmented Generation)? Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye