Waa Maxay security?
Security waa ilaalinta app-ka iyo xogta isticmaalayaasha: cidda gali karta, waxa ay arki karto, iyo sida xogtu u kaydsan tahay. Waa qayb ka mid ah dhismaha app-ka, ma aha wax dabadeed lagu daro.
Sidoo kale loo yaqaan
security-ga, cyber security, amniga app-ka
Sharaxaad
Xogta dadku ku aaminaan app-kaaga, email-ka, telefoonka, sawirrada iyo lacagta, waa amaanad. Applications badan ayaa dumay sababtoo ah database-ka bannaanka ayaa loo daayay. Tusaale caan ah: app la sameeyay oo qofka dhisay uusan is-weydiin code-kani ma secure baa, kadibna xogtii isticmaalayaasha oo dhan bannaanka ayaa la keenay: sawirro, ID iyo information shakhsi ah. Fikraddu way fiicnayd, dhismihiisu daciif ahaa.
Xeerarka aasaasiga ah waa kuwan: password-ka caadi ha u kaydin, hash isticmaal. API keys-ka .env ku hay, GitHub-na ha gelin. User kastaa xogtiisa oo keliya ha arko, taasina waa authorization, ma aha authentication oo keliya. Waxa user-ku soo diro lama aamini karo, waa la hubiyaa (validation). Rate limits saar si qofna server-kaaga culays aan loo baahnayn u saarin. Marka AI-gu code kuu qoro, review-gaagu waa lagama maarmaan: library-yada uu doortay hubi, socodka xogta tijaabi, kadibna ship-garee.
Tusaale
// khalad: key-gu code-ka ayuu ku jiraa, browser-kana wuu tagayaa
const key = "sk-live-a1b2c3...";
// sax: key-gu server-ka ayuu ku hadhayaa
const key = process.env.OPENAI_API_KEY;
Midka kowaad qof kastaa arki karaa oo lacagtaada ku isticmaali karaa. Midka labaad browser-ka gaari maayo, .env-na git-ka lagama raaco.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Aasaaska backend-ka, oo amnigu ka bilaabmo: Node.js Backend & REST API. Sababta review-gu muhiim u yahay: Vibe Coding iyo Agentic Coding. Xirfadaha suuqu doonayo: Xirfadaha 2026 Xilliga AI
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Cyber Security iyo Threat Analysis 17:27
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Cyber security ma xirfad gooni ah baa?
- Haa. Waa waddo shaqo oo leh threat analysis, network security iyo ethical hacking. Xilliga AI-ga iyo vibe coding-ka, baahideedu way kordhaysaa.
- Developer intee ayuu security ka yaqaannaa?
- Aasaaska waa waajib: authentication, secrets, validation iyo backup. Heerarka sare takhasus ayay u baahan yihiin, waana halka khubaradu ka bilaabmaan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay server?
Server waa computer had iyo jeer shaqaynaya oo aqbala requests-ka ka yimaada isticmaalayaasha, database-ka xogta ka soo qaada, jawaabtana soo celiya. Waa dhinaca aan user-ku arkin ee app-ka.
Waa Maxay database?
Database waa nidaam xog lagu kaydiyo, laga soo raadiyo, laguna cusboonaysiiyo si habaysan. Application kasta oo xogtiisu ay ahaato mid joogto ah, sida users, orders iyo posts, database ayuu isticmaalaa.
Waa Maxay vibe coding?
Vibe coding waa qaab AI-ga lagu yiraahdo "application-kan ii dhis", kadibna wixii uu soo saaro la aqbalo, code-ka la akhriyin, lana fahmin. Natiijada ayaa la fiiriyaa, ma aha habka.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.