Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.
Sidoo kale loo yaqaan
agentic coding, agentic coder, agentic AI
Sharaxaad
Saddex heer ayaa AI coding leeyahay. Autocomplete: line-ka xiga ayuu kuu soo jeediyaa. Chat: su'aal ayaad weydiisaa, code ayuu soo celiyaa, adigaa ku dhejinaya. Agentic: task ayaad u diraysaa, agent-ku project-ka oo dhan wuu ka shaqeeyaa, terminal-ka wuu isticmaalaa, tests wuu run-gareeyaa, isagaa is-saxaya. Claude Code, Cursor agent mode iyo Codex waa agentic tools.
Habka saxda ah wuxuu ka bilaabmaa specification: waxaad rabto iyo waxaadan rabin. Kadib plan-ka agent-ku soo jeediyo ayaad approve-gareysaa, tasks ayaa loo kala jebiyaa, tracker ayaa la hayaa, sub-agents ayaa shaqada qabta, orchestrator ayaana verify-gareeya. Farqiga vibe coding: vibe coder-ku natiijada ayuu daawadaa, agentic coder-ku habka ayuu maamulaa. Isla tools, laakiin qofka fahmaya ayaa 100% ka faa'iidaysanaya.
Tusaale
AI Resume Builder: spec ayaan qoray (Bun, shadcn, OpenRouter, PDF export, authentication ka baxsan). Claude Code plan ayuu soo jeediyay, waan approve-gareeyay, tasks.md iyo orchestrator ayuu sameeyay, shan sub-agent oo is-garab socda ayaa dhisay. Hal saac iyo 17 daqiiqo, app shaqaynaya, code-kiisana waan ogahay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Koorsada oo dhan agentic coding ku saabsan, app real ah oo la dhisayo lana ship-gareynayo: Agentic Coding with Claude Code. Aasaaska: Baro Claude Code Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Vibe Coding iyo Agentic Coding 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Agentic coding bilow ma ku fiican tahay?
- Aasaaska marka hore soo baro: HTML, CSS, JavaScript. Agent-ka hagiddiisu waxay u baahan tahay inaad fahanto waxa uu qorayo. [Sida saxda ah ee loo barto programming-ka](https://dugsiiye.com/blog/sida-saxda-ah-loo-barto-programming).
- Tool-ka ugu fiican waa kee?
- Speed Cursor, smart-nimo Claude Code, dulqaad Codex. [Isbarbardhig buuxa](https://dugsiiye.com/blog/claude-code-cursor-codex-yaa-fiican).
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay vibe coding?
Vibe coding waa qaab AI-ga lagu yiraahdo "application-kan ii dhis", kadibna wixii uu soo saaro la aqbalo, code-ka la akhriyin, lana fahmin. Natiijada ayaa la fiiriyaa, ma aha habka.
Waa Maxay sub-agent?
Sub-agent waa agent AI ah oo agent kale (orchestrator-ka) shaqo gooni ah u diro, kaas oo context gaar ah leh, natiijadana soo celiya. Sidaas ayaa shaqo weyn loogu kala jebiyaa qaybo, oo si parallel ah loo qabtaa.
Waa Maxay Claude Code?
Claude Code waa coding agent Anthropic sameysay oo terminal-kaaga ka shaqeeya. Project-ka wuu akhriyaa, files wuu beddelaa, commands wuu fuliyaa, waana ku sii socdaa ilaa shaqada aad u dirtay ay dhammaato.
Waa Maxay skill?
Skill waa xirmo tilmaamo ah (iyo mararka qaar files iyo scripts) oo agent-ka AI-ga baraya sida shaqo gaar ah loo qabto, oo marka loo baahdo si automatic ah loo isticmaalo. Claude Code skills-ka waa qaabka ugu fudud ee agent-ka aqoon cusub loo siiyo.
Waa Maxay MCP?
MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.