Waa Maxay server?
Server waa computer had iyo jeer shaqaynaya oo aqbala requests-ka ka yimaada isticmaalayaasha, database-ka xogta ka soo qaada, jawaabtana soo celiya. Waa dhinaca aan user-ku arkin ee app-ka.
Sidoo kale loo yaqaan
server-ka, servers-ka, backend server
Sharaxaad
App kasta oo internet-ka ah laba dhinac ayuu leeyahay: mid waa server, midna waa client. Client waa browser-ka ama app-ka telefoonka: waa waxa aad aragto oo aad taabato. Server waa halka logic-ga, amniga iyo xogtu ku jiraan. Markaad login dhahdo, browser-ku wuxuu server-ka u diraa email-ka iyo password-ka; server-ka ayaa hubiya, database-ka ka eega, session-na abuura. Password-ka marnaba client-ka lagama hubiyo, maxaa yeelay code-ka client-ka qof kastaa arki karaa.
Server-ku waa program (Node.js iyo Express, PHP ama Python) oo port dhagaysanaya. Development-ka localhost ayaad ku run-gareysaa, production-kana VPS ama cloud ayuu ku shaqeeyaa. Shaqooyinka server-ka waxaa ka mid ah authentication, xisaabinta lacagta iyo credits-ka, wicitaanka API-yada dibadda, iyo diyaarinta xogta. API keys-ka halkaas ayay ku qarsoon yihiin. Xeerka fudud: shaqada aad rabto in qofna aanu ku fara galin, server-ka ku samee.
Tusaale
// server-ka: session-ka halkan ayaa laga hubiyaa
const session = await auth();
if (!session) redirect("/login");
const user = await prisma.user.findUnique({ where: { id: session.user.id } });
Credits-ka user-ka haddaad client-ka ku xisaabiso, wuu beddeli karaa oo bilaash ayuu ku isticmaali karaa app-kaaga. Server-ka ayaa xogta run ah haya.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Server, routes, database iyo API real ah oo la dhisayo: Node.js Backend & REST API. Mentorship-ka: Backend with Node.js, Express & MongoDB.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Helitaanka Session-ka ee Client-ka iyo Server-ka 1:06:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Server ma iibsan karaa?
- Computer ma iibsanaysid. Waxaad kiraysanaysaa server cloud ah (VPS) ama waxaad isticmaashaa adeegyo deployment-ka kuu fududeeya. Bilowga, kan ugu fudud waa ku filan yahay.
- Frontend keliya ma ku dhisi karaa app?
- Bogag static ah haa. Laakiin markaad rabto users, login, lacag ama xog la kaydiyo, server iyo database waa lagama maarmaan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay client?
Client waa dhinaca app-ka ee isticmaaluhu arko oo taabto: browser-ka, app-ka telefoonka ama barnaamijka desktop-ka. Codsi ayuu u diraa server-ka, jawaabtana wuu soo bandhigaa.
Waa Maxay backend?
Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.
Waa Maxay database?
Database waa nidaam xog lagu kaydiyo, laga soo raadiyo, laguna cusboonaysiiyo si habaysan. Application kasta oo xogtiisu ay ahaato mid joogto ah, sida users, orders iyo posts, database ayuu isticmaalaa.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.