Waa Maxay database?
Database waa nidaam xog lagu kaydiyo, laga soo raadiyo, laguna cusboonaysiiyo si habaysan. Application kasta oo xogtiisu ay ahaato mid joogto ah, sida users, orders iyo posts, database ayuu isticmaalaa.
Sidoo kale loo yaqaan
database-ka, DB, DBMS, xog-kayd
Sharaxaad
Frontend-ka waxaad ku dhistaa waxa user-ku arko, laakiin xogtu meel ayay u baahan tahay oo ay ku noolaato markuu user-ku baxo. Taasi waa database. Barnaamijka database-ka maamula waxaa la yiraahdaa DBMS (Database Management System), sida MySQL, PostgreSQL iyo MongoDB.
Laba qoys ayaa jira. SQL (relational) waxay xogta ku kaydiyaan tables, saf iyo tiir, sida spreadsheet, waxaana lagu weydiiyaa luqadda SQL. MySQL iyo PostgreSQL waa kuwa ugu caansan. NoSQL waxay xogta u kaydiyaan documents ama key-value, sida MongoDB oo JSON u eg. Full-stack developer-ku labadaba wuu fahmaa, wuxuuna doortaa midka project-ka ku habboon: xog isku xiran oo xisaab leh SQL, xog dabacsan oo si degdeg ah u koraysa MongoDB.
Tusaale
E-learning app: users, courses, enrollments iyo payments mid walba table ama collection ayuu leeyahay. Marka arday koorso iibsato, backend-ku enrollment cusub ayuu database-ka ku qoraa; marka ardaygu dashboard-ka furo, backend-ku enrollments-kiisa ayuu ka soo akhriyaa. Database la'aan, xogta oo dhan markuu page-ku refresh noqdo way baxaysaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Full course bilaash ah oo SQL ah: Baro SQL Database Af-Soomaali. Koorso habaysan oo SQL ilaa NoSQL: Modern Databases: From SQL to NoSQL. Mentorship-ka MongoDB: MongoDB & NoSQL Fundamentals.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Waa Maxay Database? (DBMS) 3:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Database-ka marka hore la barto waa kee?
- SQL ka bilow: fikradaha aasaasiga ah (tables, relationships, queries) meel walba ayay kuu shaqaynayaan. MongoDB waxaad ku baranaysaa waddada MERN.
- Database iyo server ma isku mid baa?
- Maya. Server-ku waa computer-ka application-ku ku shaqeeyo; database-ku waa barnaamijka xogta kaydiya, oo inta badan server gooni ah ku jira.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay SQL?
SQL (Structured Query Language) waa luqadda xogta database-yada relational, sida MySQL iyo PostgreSQL, lagu soo raadiyo, lagu qoro, laguna beddelo. Afar amar ayaa aasaas ah: SELECT, INSERT, UPDATE, DELETE.
Waa Maxay MongoDB?
MongoDB waa database NoSQL ah oo xogta ku kaydiya documents JSON u eg, halkii tables iyo safaf laga isticmaali lahaa. Document walba wuxuu u ekaanayaa object JavaScript ah, waana sababta developers-ka web-ku ay ugu dhaqsi badan qabtaan.
Waa Maxay backend?
Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.