software-engineering

Waa Maxay vibe coding?

Vibe coding waa qaab AI-ga lagu yiraahdo "application-kan ii dhis", kadibna wixii uu soo saaro la aqbalo, code-ka la akhriyin, lana fahmin. Natiijada ayaa la fiiriyaa, ma aha habka.

Sidoo kale loo yaqaan
vibe coding, vibe coder, vibecoding

Sharaxaad

Vibe coding-ku waxa uu ku fiican yahay waa bilowga: fikrad daqiiqado gudahood waxaad ku arkaysaa shaqaynaysa, landing page, prototype, demo. Qofka aan code aqoon xitaa wax wuu dhisi karaa. Laakiin project real ah markaad gaarto, dhibaatadu waa cad tahay: maxaa la dhisay? Maxaa dhiman? Code-ku sidee yahay? Security-gu? Ma ogid, sababtoo ah ma akhrin.

Tusaale real ah: project vibe coding lagu sameeyay oo aannu aragnay, in ka badan 200 vulnerability ayaa ku jirtay. AI-gu wuxuu assume-gareeyaa waxa aadan sheegin, bugs wuu ku daraa, security-na wuu illaawaa. Agentic coding waa habka saxda ah: spec qor, plan approve-garee, tasks u kala jebi, tracker hay, agent-ka verify-garee. Isla AI-gii, laakiin adigaa engineer-ka ah, ma aha daawade.

Tusaale

Vibe coder: "Cursor-ow, e-commerce ii dhis" oo iska fadhiista. Agentic coder: spec qoraya (features, pages, tech stack, waxa ka baxsan xuduudda), plan-ka aqbalaya, tasks-ka sub-agents u kala diraya, kadibna test-gareynaya. Labaduba AI ayay isticmaalaan; midka labaad ayaa ogaanaya waxa uu dhisay.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Farqiga oo dhan: Vibe Coding iyo Agentic Coding. Habka agentic-ka ee app real ah lagu dhisayo: Agentic Coding with Claude Code.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Vibe Coding iyo Agentic Coding 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Vibe coding ma xun tahay?
Prototype iyo tijaabo, maya, waa fast. Product dadku isticmaalayaan oo lacag lagu bixiyo, haa, halis ayay leedahay haddii cidna code-ka fahmin.
Coding weli ma bartaa haddii AI-gu code qori karo?
Haa. AI-ga si fiican u isticmaalidda waxay u baahan tahay inaad fahanto waxa uu qorayo. [Coding 2026 ma mudan tahay?](https://dugsiiye.com/blog/coding-2026-ma-mudan-tahay)

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Vibe Coding? Farqiga Vibe Coding iyo Agentic Coding | Qaamuuska Dugsiiye