Waa Maxay reasoning?
Reasoning waa marka model-ku intuusan jawaabta ku siin uu marka hore ka fikiro: talaabooyinka wuu kala saaraa, kadibna jawaabta ayuu soo saaraa.
Sidoo kale loo yaqaan
reasoning, reasoning-ka, thinking, reasoning model
Sharaxaad
Models-kii hore, su'aal markaad weydiiso, jawaabta isla markiiba way soo tufi jireen. Shan iyo shan ku dar, toban ayay iska dhihi jireen, iyagoo aan wax ka fikirin. Models-ka reasoning-ka ah, sida DeepSeek R1 iyo kuwa la mid ah, way ka duwan yihiin: marka hore way qorsheeyaan, "waxaan u baahanahay inaan tan sameeyo, kadibna tan", sida qofka oo kale, kadibna jawaabta ayay soo celiyaan.
Faa'iidadu waa cad: su'aalaha xisaabta, code-ka adag, qorshaha dheer iyo falanqaynta ayay si wanaagsan uga jawaabaan. Waxaa kale oo jira models multimodal ah oo isla sidaas u fikira, sawir iyo qoraalna wada fahma.
Qiimuhuna waa cad: waqti dheeraad ah ayay qaadanayaan, token dheeraad ahna way isticmaalayaan, maxaa yeelay fikirku isagu waa token. Sidaas darteed shaqada fudud model degdeg ah ayaa ku filan. Marka aad agent dhisayso, waxaa xikmad ah inaad shaqada adag model reasoning ah u dhiibto, tan fududana mid fudud.
Tusaale
Su'aal xisaabeed oo dhowr talaabo leh markaad weydiiso, model-ka reasoning-ka ah wuxuu marka hore soo bandhigaa talaabooyinka: tan waa la xisaabiyay, kadibna tan. Marka jawaabtu qaldanto, waxaad arki kartaa halka fikirku ka lumay, taasna waa faa'iido kale.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Models-ka kala duwan, sida loo doorto, iyo dhisidda app-yada AI-ga: AI Engineering Masterclass. Sharaxaad bilaash ah: Waa Maxay DeepSeek?.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca DeepSeek iyo Local AI 1:06
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Goorma ayaan isticmaalaa model reasoning ah?
- Marka shaqadu talaabo badan leedahay: xisaab, code adag, qorshe ama falanqayn. Su'aal fudud ama qoraal gaaban, model degdeg ah ayaa ku filan.
- Reasoning-ku miyuu badan isticmaalaa?
- Haa, waqti iyo token labadaba wuu badan isticmaalaa, maxaa yeelay fikirkiisa isagana waa token la xisaabinayo. Shaqada ku habboon oo kaliya u dhiib.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay DeepSeek?
DeepSeek waa shirkad Shiineys ah oo soo saartay models AI ah oo open source ah, kuwaas oo computer-kaaga lagu run-gareyn karo. Model-kooda ugu caansan waa R1, kaas oo reasoning sameeya.
Waa Maxay token?
Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.
Waa Maxay AI?
AI (artificial intelligence) waa systems computer ah oo qabta shaqooyin caqli bini'aadam u baahan: luqad fahmid, sawir aqoonsi, saadaalin iyo go'aan gaarid. Maanta inta badan waxaa lagu gaadhaa models xog aad u badan lagu tababaray.