Waa Maxay AI?
AI (artificial intelligence) waa systems computer ah oo qabta shaqooyin caqli bini'aadam u baahan: luqad fahmid, sawir aqoonsi, saadaalin iyo go'aan gaarid. Maanta inta badan waxaa lagu gaadhaa models xog aad u badan lagu tababaray.
Sidoo kale loo yaqaan
AI-ga, artificial intelligence, caqli macmal
Sharaxaad
AI-gu ma aha hal shay. Hoostiisa waxaa ku jira machine learning, oo mashiinku xogta pattern kaga barto, iyo deep learning oo neural networks isticmaala. LLM-yada sida ChatGPT iyo Claude waa natiijada ugu caansan: qoraal ayay fahmaan oo soo saaraan, code way qoraan, xogna way falanqeeyaan. Agents-ka ayaa tallaabada xigta: model la siiyay tools, oo shaqo sii wata ilaa ay dhammaato.
Labada waji ee barashada waa kuwan. Core AI waa dhinaca models-ka la tababaro, xisaabta iyo cilmi-baadhista. Applied AI ama AI engineering waa dhinaca models-ka jira lagu dhex dhiso app-yo dadku isticmaalaan: API integration, RAG, agents iyo systems production ku shaqeeya. Developer-ka inta badan dhinaca labaad ayaa u dhaqso badan, maxaa yeelay uma baahna GPU kumanaan ah iyo bilo tababar ah. Waxaad u baahan tahay aasaas programming ah, API fahankiisa iyo qorshe cad.
Tusaale
App AI ah oo aad dhisayso: user-ku su'aal ayuu qoraa, server-kaagu wuxuu u diraa model-ka API ahaan, jawaabtana wuu soo celiyaa. Marka aad ku darto tools, sida raadinta internet-ka ama akhrinta files, wuxuu noqdaa agent. Xogtaada gaarka ah haddaad ku darto, wuxuu noqdaa RAG system.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
AI Engineering Masterclass waxaad ku dhisaysaa chat app, RAG system iyo agents. Waddada buuxda: Professional AI Engineer Track.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca taxanaha barashada AI 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- AI ma qaadan doonaa shaqada developer-ka?
- Qofka AI-ga isticmaala ayaa ka dheereeya qofka aan isticmaalin. Fahamka code-ka, qorshaynta iyo hubinta natiijada weli qofka ayaa iska leh.
- Xagee laga bilaabaa AI-ga?
- Programming aasaas ah, kadib API, kadibna LLM app yar oo aad gacantaada ku dhisto. Xisaabta culus wax badan laguma bilaabo.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay agent?
Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay machine learning?
Machine learning waa qaybta AI-ga ee mashiinku xogta pattern kaga barto, halkii qofku xeer kasta gacanta ugu qori lahaa. Intii xogtu badnaato ayuu sii fiicnaadaa.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.