artificial-intelligence

Waa Maxay DeepSeek?

DeepSeek waa shirkad Shiineys ah oo soo saartay models AI ah oo open source ah, kuwaas oo computer-kaaga lagu run-gareyn karo. Model-kooda ugu caansan waa R1, kaas oo reasoning sameeya.

Sidoo kale loo yaqaan
DeepSeek-ka, DeepSeek R1, DeepSeek-ga

Sharaxaad

Waxa DeepSeek buuqa u dhaliyay waa laba arrin. Kow, reasoning-ka. Models-kii hore su'aal markaad weydiiso jawaabtii isla markiiba way soo tufi jireen; nooca reasoning-ka ah wuu fikiraa intuusan jawaabta bixin, sida qofka wax xisaabinaya. Laba, model-ku waa open source, sidaas darteedna qof kastaa wuu soo dejisan karaa, mana baahna API online ah iyo lacag bille ah.

Computer-kaaga waxaad ku run-gareysaa Ollama, oo ah tool models-ka local-ka ah maamula. Model-ku wuxuu ku yimaadaa cabbiro kala duwan: 1.5 billion, 7 billion, 8 billion iyo kuwo ka waaweyn. Tirooyinkaasi waa parameters-ka lagu tababaray, waxayna sheegayaan awoodda uu computer-kaagu u baahan yahay. Haddii GPU-gaagu yar yahay, midka yar dooro; haddii uu xoog leeyahay, midka weyn ayaad qaadan kartaa. Sidoo kale waxaad ka isticmaali kartaa API ahaan adigoo maraya OpenRouter, halkaas oo hal API key lagaga gaadho models badan.

Tusaale

ollama run deepseek-r1:8b

Hal amar oo terminal-ka lagu qoray. Model-ku computer-kaaga ayuu ku shaqeeyaa, internet lama baahna marka la wacayo, xogtaaduna guriga ayay ku hadhaysaa. Kadib waxaad chat app yar u samaysan kartaa oo isla model-kaas kula hadasho.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Sida models-ka kala duwan loo isticmaalo, loona isbarbardhigo, kuwa open source-kana loo dhex geliyo app real ah: AI Engineering Masterclass. Casharka bilaashka ah: Isticmaal AI Open Source Walba.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca DeepSeek iyo Local AI 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

DeepSeek ma bilaash baa?
Models-kiisa open source-ka ah computer-kaaga waad ku run-gareyn kartaa oo waxba kaama baxayaan marka aad soo dejiso. Haddaad API cloud ah isticmaasho, isticmaalka ayaa lagu xisaabiyaa.
DeepSeek mise ChatGPT?
Shaqada ayaa go'aaminaysa. Su'aalaha adag iyo code-ka models-ka waaweyn ayaa ku fiican. Xog aad rabto inay computer-kaaga ku hadho ama tijaabo bilaash ah, DeepSeek oo local ah ayaa habboon.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska